(SomaliNet) Masuuliyiin Soomaali ah oo ku sugan dalka Yaman, ayaa sheegay in 130 qofood oo qaxooti ku dhinteen xeebaha dalkaasi ahaayeen kuwo geeriyooday, ka dib markii doonyihii ay la socdeen gaareen xeebaha dalkaas ee ciidamada ilaalada xeebuhuna ay rasaas ku fureen.
Saddex doonyood oo siday 460 dad magangelyo doon ahaa oo Afrikaan ah, oo isugu jiray Soomaali, iyo Itoobiyaan, ayaa ka ambabaxay dekedda magaalada Bossaso bishan April 9-keedii, isla markaana gaadhay dalka Yaman goor dambe oo ahayd 12-kii bishan April. \"Isla markii doonyihii tahriibintu ay soo gaadheen biyaha waddanka Yaman, ayay ciidanka xeebuhu rasaasta ku fureen, taasoo sababtay in mid ka mid ah doonyahaas la qabto,\" sidaa waxa yidhi Saadaat Maxamed, oo ah madaxa qaxoontiga bulshada Soomaaliyeed, oo u waramayay IRIN isaga oo jooga magaalada Sanca. \"Doonidu waxay siday qaxoonti Afrikaan ah, oo badidoodu ahaa haween Itoobiyaan ah. Toogashooyinkaasi waxay ku khasbeen dadkii rakaabka ahaa inay biyaha ku daataan, iyada oo aanay dabaalan karayn. Markaas ayaana la qabtay doonidoodii,\" ayuu hadalkiisa raaciyay Mr Maxamed.
Waxaanu intaa ku daray in labadii doonyood ee kalena ay baxsadeen, ka dib markii laga daynwaayay rasaastii. \"Mid ka mid ah doonyahaasi waxay u jeeday dhinaca magaalada Hosn Bel-Eid, ee gobolka Abyan, balse intii aanay gaadhinba tahriibiyeyaashii ayaa dadkii rakaabka ahaa ku khasbay inay biyaha ku daataan, dabadeedna 35 qof ayaa dhintay, kuwo kalena waa la la’yahay,\" ayuu mar kale ninkaasi yidhi.
Ninkan u hadlay qaxoontiga tahriibayaasha ah ee ku dhintay xeebaha Yaman, waxa uu sidoo kale sheegay inay rajaynayaan in mawjadaha badda ee aadka u kacsani keenaan dadka dhintay maydadkooda xeeliga badda. \"Qaar waa la aasay, laakiin weli waxa jira maydadka dad dhintay oo baddu soo tuurayso. Waxaananu ugu baaqaynaa dawladda hoose inay naga caawiyaan aasitaankooda,\" ayuu yidhi Mr Maxamed.
Iyada oo ay tahay markii labaad ee masiibadan oo kale ka dhacdo xeebaha dalka Yaman muddo laba toddobaad gudahood ah, ayaa dad goob-joogayaal ahaa iyo kuwo ka mid ah dadka tahriibayaasha ahiba ay sheegeen in geeridan xad-dhaafka ah ee qaxoontigu tahay mid timaada marka ay tahriibiyeyaasha doonyuhu dadka ku khasbaan inay ku daataan badda, mararka ay masuuliyiinta dalkaas cadaadis kala kulmaan.
\"Dad goob-joogayaal ah iyo qaar ka mid ah kuwii ka badbaaday masiibaddaas, ayaa sheegay in markii la qabtay doonida hore ay labadii kalena bilaabeen inay biyaha badda ku daadiyaan rakaabkii saarnaa, taasoo ay ku khasabtay ka dib toogashadii ciidanka xeebaha Yaman,\" sidaa waxa shaaca ka qaaday qoraal ay arrintaa ka soo saartay hay’adda qaxoontiga ee Qaramada Midoobay UNHCR.
Bulshada Soomaalida ah ee ku nool dalka Yaman, ayaa iyana aad uga xumaaday dhimashada sii siyaadaysa ee dadka qaxoontiga Soomaalida ah oo ay sheegeen inay dagaalo dalkoodii ka soo eryayaan. Waxaanay intaa ku dareen in had iyo jeer dhimashadu sii labanlaabanto mar kasta oo dagaalo Soomaaliya ka bilaabmaan. Hay’adda Qaxoontiga UNHCR, ayaa warbixin ay soo saartay horaantii bishan ku sheegtay inay aaminsan yihiin in magaalada Muqdisho ay ka baro-kaceen dad gaadhaya 100,000 oo qof, ilaa bishii February ee sannadkan. Sidoo kale, warbixin ay hay’addaasi soo saartay sannadkii 2006, waxay ku sheegtay in ilaa 26000 oo qof ay socdaallo tahriib ah u galeen dalka Yaman, kuwaas oo warbixintu ku sheegtay in ugu yaraan ay geeriyoodeen 330 ka mid ahi, halka 300 oo kalena lagu sheegay in la la’yahay, balse la aaminsan yahay inay dhinteen.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!