(SomaliNet) Wasiirka Haweenka iyo horumarinta bulshada ee dalka Uganda Hon. Syda. M. Bbumba ayaa maanta daaha ka rogtay in dalkeeda ay qeyb libaax leh ka qaadanayaan dib u soo celinta xasiloonida iyo nabadgalyada Somalia (she said: I confirm the commitment of Uganda to the peace and stability of Somalia).
Wasiirada oo ka hadlaysay kulan ay isugu yimaadeen haweenka Uganda, Kenya, Somalia, iyo Suudaan oo ka dhacay Hotel SPEKE Munyonyo Kampala Uganda ayaa waxaa kasoo qeyb galay wasiiro ka kala socday dalalkaasi iyo waliba haween matalayay gobolada iyo degmooyinka Soomaaliya iyadoo lagu lafa gurayey sidii haweenka soomaaliyeed oo dagaalada badan kusoo dhex jiray siday wax ula qeybsan lahaayeen dowlada iyo bulshadaba maadaama ay dagaalo badan oo jiray awgiis ay bulshada dunida ka hareen.
Wasiirada haweenka Uganda Hon. Syda ayaa soo dhaweysay ka qeyb qaadashada shirkaan haweenka Soomaaliyeed oo kakala yimi qeybaha kala duwan ee bulshada sida Dowladda Federaalka oo ay kasocdaan labada gabdhood ee ku jira golaha Wasiirada oo kala ah wasiirka horumarinta haweenka iyo daryeelka Qoyska Marwo. Aamino Maxamed Mursal iyo Wasiirka Caafimaadka Marwo. Qamar Aadan Cali, Marwooyin ka tirsan Baarlamaanka Somalia, gabdho ka socda Gobolada Waqooyi, Koonfur iyo gobolada Dhexe.
Mss. Syda ayaa u mahad celisay Dowladda Federaalka kmg ee Soomaaliyeed aqoonsiga ay u ogolaatay ka qeyb qaadashada xubnaha haweenka ku jira dowlada Federaalka oo masuuliyiinta ka ah xukuumada iyo qeybaha kala gedisan ee arrimaha dowladda, waxay sidoo kale la dardaarantay haweenka Soomaaliyeed oo ay ku wacyi galisay inay ka shaqeeyaan midnimada iyo soo celinta nabada Somalia ee luntay mudo hore.
Sidoo kale waxaa iyadana halkaasi ka hadashay Wasiirka Caafimaadka Dowlada Federaalka kmg Hon. Qamar Aadan Cali oo ku nuuxnuuxsatay inaysan codsanaynin oo ay waydiisanayaan qeybta ay ku leeyihiin dalka si haweenka Soomaaliyeed qeyb uga qaataan xasilooni usoo celinta Jamhuuriyada Somalia.
Waxaa sidoo kale iyadana kulankaani ka hadashay Wasiir ku xigeenka Arrimaha haweenka iyo Sportiska ee dalka Kenya Hon. Alicen Chelaite iyadoo ka hadashay guud ahaan dhibaatooyinka haweenka Soomaalida u geysteen dagaalada Sokeeye oo sababtay in la dhibaateeyo xuquuqda ay leeyihiin haweenka Soomaaliyeed taasoo dhaxal siisay bay tiri dhibaatooyin ay ka mid yihiin Faqri, Amaan Daro, dhac, kufsi iyo inay awood uyeelan waayaan horumarina Dalka Somalia.
Haweenka Soomaaliyeed waxay sameeyeen wax aysan hore u samayn haweenka Dunida ku nool intii ay ku jireen dagaalada Sokeeye waxaana ugu hanbalyeynayaa dadaalka ay muujiyeen waxaana ku dhiiri galinayaa inay raadiyaan xuquuqda ka maqan iyagoo raacaya qaanuunka hawenka asaagood ah ee dunida kala duwan, inay ka qeyb galaan talada dalka, inay matalaan dowlada, inay noqon karaan masuuliyiin lasoo doortay.
Mss. Alicen waxay kaloo xustay in shirkaan qabsoomidiisa ay lahaayeen ama ay daba joogto kulan ay yeesheen madaxda sare ee IGAD kaasoo ahaa in la qabto kulan ay isugu imaanayaan Haweenka ururka IGAD.
Kulankaani oo socon doona ilaa iyo maalinta berrito ayaa looga doodayey sidii haweenka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen xaquuqdii ka maqnayd iyadoo la soo diyaariyey Document kusaabsan xuquuqda haweenka Soomaaliyeed kaasoo markiisa hore ay soo diyaarisay JNA markii danbena isu badashay UNIFEM, iyadoo qaar ka mid ah laga tagayo halka qaar ka maqana ay ku darayaan dokumentiga haween ka kala yimi sedex qeybood oo kala ah gobolada Waqooyi, gobolada Dhexe iyo Koonfur ayaa ugu danbeentii soo saaray qodobo ay diidan yihiin iyo kuwo lagu darayo iyagoo ukula fariistay sedexdaasi qeybood.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!