(SomaliNet) Wafdi ka socda dowlada Ethiopia oo uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibada ee dalka Ethiopia Siyoum Masfin ayaa wadahadalo la leh masuuliyiin ka tirsan dowlada federaalka ee Somalia.
Wafdiga uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibada ee Ethiopia ayaa la sheegayaa inay xalay ku hoydeen magaalada Muqdisho kadib markii ay shalay si qarsoodi ah Muqdisho ku yimaadeen.
Wararka qaar ayaa sheegaya in labada dhinac ay ka wadahadlayaan bixitaanka ciidamada ka socda dalka Ethiopia ee Somalia ku sugan kuwaasoo gacan siinayay ciidamada dowlada federaalka ee Somalia waqtigii uu socday dagaalkii u dhaxeeyay midawgii maxkamadaha islaamka Somalia iyo dowlada federaalka ee Somalia, waxayna ciidanka Ethiopia ay burburiyeen awoodii maxaakiimta ee ka talin jirtay inta badan koofurta dalka Somalia.
Ma ahan markii ugu horeeysay ee uu Muqdisho soo gaaro wasiirka arimaha dibada ee dalka Ethiopia Seyoum Masfin.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!