Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Wafdi ka socda Yemen oo gaaray Boosaaso

Published on: 2007-05-28 08:51:10

(SomaliNet) Wafdi ka socda dowlada Yemen ayaa manta soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta maamulka goboleedka Puntland.

Wafdiga ka socda dalka Yemen ayaa waxaa hogaamiyanayay safiirka dalka Yemen ee Somalia Sayid Axmed, iyadoo ay ka mid ahaayeen saraakiil ka tirsan wasaarada kaluumeysiga ee dalka Yeme iyo masuuliyiinta ka tirsan madaxtooyada dalkaasi.

Safiirka Yemen ee Somalia ayaa sheegay inay u yimaadeen sidii ay u meel marin lahayeen heshiisyo ay horey labada maamul u wada gaareen, iyadoo uu wafdigu uu gaaray gobolka Bari halkasoo uu ku sugan yahaymadaxweyne Gen, Cadde Muuse Xersi,iyadoow ararka qaar aya sheegayaan in madaxweynaha Puntland iyo wafdiga ay kulano qatay wati dheer ay wada yeesheen.

Maamul goboleedka Puntland ayaa dadaal xoogan ugu jira sidi uu sare ugu qaadi lahaa dhaqaalaha gobolkaasi kadib markii ay dhawaan sidoo kale heshiisyo wax wada qabsi ay la galeen ganacsato u dhalatay dalka Saudi Arabia.

Back to Category