Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Wariye maalintii 3aad ku jira gacanta dowlada

Published on: 2007-03-11 08:04:23

(SomaliNet) Wariye Xasan Sadde Dhaqane oo ka mid ah wariyayasha idaacada iyo T.V. Hornafrik ayaa lagu soo waramayaa inuu maalintii 3aad ku jiro gacanta ciidamada dowlada federaalka ee Somalia.

Wariyaha ayaa la sheegay inu xili lagu xiray saldhig booliska ee dekeda weyn ee magalada Muqdisho, laakin hada lama oga halka uu ku sugan yahay ama lagu hayo wariyahaasi, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in lagu hayo saldhiga Bari ee waqooyiga Muqdisho.

Hay-adaha u dooda xaquuqda aadanaha aya canbaareeyay xariga wariye xasan Sadde Dhaqane, taasoo ay ku tilmaameen inuu yahay fal lid ku ah madax banaanida saxaafada Somalia.

Ilaa iyo hadda lama oga sababaha loo xiray wariyayaasi ka tirsan idaacada iyo T.V-ga Hornafrik, mana jirto wax masuul ah oo ka hadlay xariga loo geystay wariye Xasan Sadde Dhaqane.

Suxufiinta soomaaliyeed ayaa la kulmay dhibaatooyin kala duwan intii ay lagu guda jiray dagaaladii dalka ka dhacay.

Back to Category