Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Wasaaradihii dalka oo dib u shaqo galaya

Published on: 2007-05-23 08:05:34

(SomaliNet) Prof. Cali Maxamed oo shir guddoominayay shirkii golaha wasiirrada ayaa sheegay in wasiirrada dowladda aysan wixii hadda ka dambeeya ku shaqeyn doonin goobo qarsoon ama Hotello, waxaase uu sheegay inay ku shaqeynayaa xarumihii wasaaradaha ee dalka.

\"Waxaa la wadaa qorshey lagu doonayo in lagu dayactiro xarumihii hore ee wasaaradaha si ay wasiirradu ugu shaqeeyaan xarumahooda, si loo yareeyo dhaqaalaha ku baxaya wasiirrada Dowladda\" ayuu yiri Ra’iisul wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa wuxuu ku boorriyay wasiirrada dowladda inay diyaarsadaan guryihii ay degi lahaayeen, isla markaana ay ka guuraan hoteellada, taasoo uu ku sheegay inay tahay tallaabo ay dowladdiisu horay u qaadayso.

Waa markii ugu horreysay oo ay Dowladda uu hoggaaminayo Prof. Geeddi ay ku dhawaaqdo inay ku shaqeynayso xarumihii hore ee Dowladda, sidoo kalena ay wasiirradu dagaan guryo oo ay ka guuraan Hotellada.

Magaalada Muqdisho waxay waayihgii ugu dambeeyay ay marti u aheyd dagaalo sokeeye iyo kala dambeyn la\'aan waqti dheer soo qaadatay, laakiin waxay su\'aal ka taagan tahay dowladu ma ku shaqeyn doontaa xarihii hore ee wasaarahada ee ay dowlada Somalia la heyd, iyadoo la og yahay in magaalada ay wali ka jiraan qaraxyo lalal beegsado ciidamada dowlada iyo masuuliyiintoodaba.

Back to Category