(SomaliNet) Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garan ayaa xalay weerar gadmo ah ku qaaday saldhiga booliska ee degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.
Lama yaqaano qasaaraha ka dhashay weerarkii xalay lagu qaaday saldhiga ciidanka booliska ee degmada Heliwaa ee magalada Muqdisho, hase yeeshee waxaa deegankaasi laga maqlayay rasaas goos goos ah oo ay isweydaarsanayaan ciidanka booliska saldhiga Heliwaa iyo kooxihii weerarka soo qaaday.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in weerarkaasi uu kui geeriyooday mid ka mid ah ciidanka booliska ee saldhiga heliwaa ka tirsan, laakiin ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxaya dhanka taliska booliska Somalia oo ku saabsan weerarkaasi xalay lagu qaaday iyo qasaaro soo garay intaba.
Talaabadaaan ayaa ku soo beegmeysa xili ay wali deegaankaasi saran yahay bandoow, waxaana jirta in deegaanadaasi ay ka dhacaan qaraxyo iyo dilal.
Ma ahan markii ugu horeeysay ee weerar nuucaas ah lagu qaado saldhiga booliska ee degmada Heliwaa, iyadoo dhowr jeer oo hore saldhigaasi weeraro lagu qaaday, isla markaana ay ku geeriyoodeen askar ka tirsan saldhigaasi.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!