Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Xaalada Muqdisho oo degan maanta

Published on: 2007-03-24 07:36:30

(SomaliNet) Xaalada magaalada Muqdisho ayaa degan maanta kadib markii maal-mihii la soo dhaafay ay dagaalo qaraar ay ka jireen.

Inkastoo ay wali isku hor fadhiyaan goobihii dagaaladu ka dhaceen ciidamada dowlada federaalka ee Somalia iyo maleeyshiyaadka ka soo hor jeeda hada maanta magaalada way ka degan tahay sidii hore, mana jiraan wax dagaal ah oo ka socda.

Dadka ku dhaqan goobaha ay dagaaladu ka dhaceen ayaa wali ka sii barakacaya iyadoo ka cabsanaya in dagaalku uu mar kale dib u qarxo, laakiin waxaa caadi ku soo noqday wadooyinka qaar ee ay dagaaladu saameynta balaaran ku yeesheen, waxaana wadooyinkaasi ka mid ah wadada Fagax oo la arkayay maanta gaadiidkii B.L-ka oo dib u howl bilaabay.

Xaafadaha qaar ee magaalada Muqdisho ayaa laga dareemayaa colada ka jirta magaalada Muqdisho, iyadoo kooxo hubeysan ay difaac kaga jiraan meelaha qaar, kuwaasoo u diyaar garoobay inay iska cabiyaan hadii weerar uu kaga yimaado dhanka dowlada federaalka ee Somalia.

Ma jirto wax waan waan ah oo laga dhex wado kooxaha isku hayo caasimada dalka Somalia ee Muqdisho , marka laga reebo heshiis xabad joojin ah oo ay wada gaareen beesha Hawiyaha iyo saraakiil ka tirsan cidiamada dalka Ethiopia, heshiiskaasoo aysan ilaa iyo iminka ka hadlin dowlada federaalka ee Somalia.

Back to Category