(SomaliNet) Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelada hoose ayaa sheegaya xaalada amaan ee magaaladaasi ay gacanta ka sii baxeyso.
Xaalada amaan ee magaalada Marka iyo qeybo ka tirsan gobolka ayaa sii xumaaneysa maalinba maalinta ka dambeysa, iyadoo ay gobolkaasi ku sii badanayaa kooxo hubeysan oo dhaca dadka iyo gaadiidkaba sida ay xaqiijinayaan dadka deegaankaasi.
Qeybo ka mid ah gobolkaasi Shabeelada hoose ayaa waxaa ka taagan iska hor-imaad dhanka maamulka ah, iyadoo magaalooyinka qaar ay ka jiraan kooxo burcad ah oo dadka dhaca, isla markaana baarta gaadiidka isaga kala goosha gobolada dalka ee mara wadooyinka ku yaalo gobolkaasi.
Falalka dhaca iyo dilka ah ee ka jira qeybo badan oo ka mid ah gobolkaasi ayaa tan iyo markii ay dowlada la wareegtay mamulka gobolaasi sii badanayay, iyadoo aysan jirin isku day lagu xaqiijinaya dhanka amaanka oo ay sameeyeen ciidamada dowlada feeraalka Somalia,w axayna taasi soo dedejisay in kooxaha burcad ah ay fursad u helaan shacabka ku dhaqan guud ahaan gobolkaasi.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!