(SomaliNet) Xaalada magaalada Muqdisho ayaa degan maanta kadib markii labadii maalmood ee ugu dambeysay ay ka dhaceen dagaalo goos goos ah oo u dhaxeeyay ciidamada dowlada federaalka ee Somalia iyo kooxo dowlada ka soo horjeeda.
Dagaaladaasi ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah oo aan dagaaladaasi lug ku laheyn, iyadoo sidoo kale ay dagaaladu dhaliyeen barakac ku yimid qaar ka mid ah dadkiio deganaa deegaamada uu dagaalku ka dhacay, mana jirto ilaa iyo hada wax waan waaan ah oo socda, iyadoo labada dhinac ciidamadoodu ay wali isku hor fadhiyaan goobihii uu dagaalku ka dhacay labadii maal-mood ee ina dhaaftay.
Dareenka dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa sare u kac la soo dersay kadib markii ay dib u soo laabteen dagaalkan magaalada Muqdisho ka dhacay maal-mihii la soo dhaafay, iyadoo dadka kud haqan Muqdisho ay filayeen in waxooga isfaham ah ay gaari doonaan dhinacyada Muqdisho isku hayo, laakiin rajadaasi waxay meesha ka baxday markii ay soo laabteen dagaaladii shalay iyo iyo doraad magaalada ka dhacay.
Iskastoo ay xaladu ay haatan degan tahay hada waxaa xili kasta la filankaraa in dagaalo kale ay magaalada ka dhacaan, iyadoo ay wali labada dhinac ee ku lugta leh dagaalka ay wadaan is abaabul ay ku doonayaan inay mar kale dib u bilaabaan dagaalka magaalada ka socday maal-mihii tagay.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!