Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Xanibaad lagu soo rogay wadooyinka Muqdisho

Published on: 2007-06-06 06:37:00

(SomaliNet) Ciidamo Ethiopian ah oo aad u fara badan ayaa saakay xiray wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo udiiday dadka iyo gadiidkaba inay maraan wadooyin ay xireen ciidanku.

Wadada marta jidka warshadaha gaar ahaan Caymiska, isbitaalka Carafaad iyo nawaaxiga Ifka Xalane ayaa gabi ahaanba ciidanku diideen inay maraan gaadiidka iyo dadkaba, waxayan ciidamadu ku amrayeen dadka halkaasi marayaya inay ka fogaadaan goobahaasi.

Sidoo kale ciidamadu ayaa ganacsatada u diiday inay furaan goobaha ganacsi ee sida gaarka ah loo leeyahay, taasoo noqoneysa caqabad kale oo shacabka ku dhaqan deegaanadaasi soo food saartay, iyadoo meelaha qaar lagu arkayo ciidamo Ethiopian ah oo saaran saraha dhaadheer ee ku yaalo deegaanada ay ciidamadu ku sugan yihiin.

Ma cado ilaa iyo hada howlgalka ay ciidamada Ethiopia ka wado qeybo ka tirsan magalada Muqdisho waxyabaha ay ku soo qabteen, hase yeeshee waxaa muuqata in dowlada Somalia oo kaashanaya ciidamada Ethiopia ee Muqdisho ku sugan inay la tacaaleyso sidii ay wax uga qaban laheyd xaalada amaan ee Muqdisho ka taagan, iyadoo maal-mihii tagay ay magaalada ka dhacayeen qaraxyo lala beegsanayay masuuliyiin ka tirsan dowlada federaalka Somalia oo uu ku jira ra;iisul wasaraha Somalia Prof Cali Maxamed Geedi.

Dhanka kale wali ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowlada federaalka Somalia ee ku aadan howlgalka ay ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowlada Somalia ka wadaan qeybo ka tirsan Muqdisho, iyadoo uu howlgalkani noqonayo maalintii 2aad ee uu ka socda Muqdisho.

Back to Category