Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Xararyaale oo bandow lagu soo rogay

Published on: 2007-06-06 06:37:50

(SomaliNet) Ciidamada dowlada federaalka Somalia oo kaashanaya kuwa Ethiopian ah ayaa sakay aroortii hore isku gadaamay dhamaan qeybaha kala duwan ee deegaanka Xararyaale ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay baaritaano ka sameynayaan ciidamadu.

Ciidamad ayaa dadka u didiay inay guryahooda ka baxaan ama ay suuqyada ka soo adeegtaan iyadoo ay ilaa iyo iminka uu socda baaritaanka ka socda deegaankaasi sida ay sheegayaan dadka deegaanka Xararyaale ee Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada ay heleen warbixino la xiriirto in halkaasi uu hub yaalo, iyadoo ciidamadu uu baaritaankooda la xiriira guryo gaar ah oo ay beegsanayeen, laakiin taasi waxay caqabad ku noqotay dadka kale ee ku dhaqan deegaankaasi.

Cali Wehliye ayaa Somalinet qadka teleefonka ugu waramayay ayaa sheegay in 4 caruur ah oo uu dhalay aysan saakay ilaa iyo hadda wax cunin, iyadoo xanibaad laga saaray qoyskiisa inay suuqa ka soo adeegtaan, wuxuuna xaaladaasi ku tilmaamay inay tahay mid ka baxsan xeerarka u degsan xaquuqda aadanaha.

Cali waxa dareenkiisa ka muuqday welwelka uu ka qabay cuno la\'aanta heysata caruurtaasi uu dhalay, wuxuuna sheegay in xitaa uusan awoodin inuu dibada uga soo baxo guriga uud egan yahay, ciidamadu ay ka diideen in Cali uu caruurtiisa u soo adeegto.

Dadka ku dhaqan deegaanka Xararyaale ayaa cabasho xoogan ka muuqjinayo bandoowga maalintii ah ee saaran deegaankooda, taasoo ah markii ugu horeeysay ee ciidamada dowlada iyo kuwa Ethiopian ah ay bandoow ceynkaasi oo kale ah ku soo rogaan qeybo ka tirsan Muqdisho, taasoo aan la garaneynin xili uu dhamaan doono xanibaada saaran dadka deegaanka Xararyaale.

Back to Category