Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Xildhibaan Barre Hiiraale oo qarax miino ku dhaawacmay

Published on: 2007-06-27 09:17:41

(SomaliNet) Xildhibaan Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) ayaa maanta dhaawac ka soo gaaray qarax ka dhacay duleedka magaalada baardheere ee gobolka Gedo.

Barre Hiirale ayaa lagu soo waramayaa in qaraxu kuu ku haleeyay meel wax yar u jirta magaalada baardheere, isaga oo ku sii jeeday xarun uu ku leeyahay goob ku taalo duleedka Baardheere.

Barre ayaa la sheegay inuu ka soo laabtay markii uu qaraxu haleeelay kulan looga hadlayay dhibaatooyinka ka jira magaalada Kismaayo iyo doorka kaga aadan beesha Mareexaan, iyadoo kulankaasi ay sidoo kale ka soo qeybgaleen masuuliyiin ka tirsan maamulka magaalada Baardheere.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dhaawaca soo gaaray xildhibaanka uu yahay mid fudud, iyadoo sidoo kale ay dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen masuuliyiin la socotay, kuwasoo ka tirsan maamulka magaalada Baardheere.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in kooxdii geystay qaraxii lala beegsaday xildhibaanka ay baxsadeen, iyadoo sidoo kale Barre Hiiraale uu horey uga badbaaday qarax midkaan la mid ah.

Jawiga guud ee magaalada Baardheere ayaa aad u kacsan, iyadoo gudaha magaalada lagu arkayo maleeyshiyaadka beelaha oo si raxan raxan ah u socda, kuwaa oo baadi goobaya kooxdii geystay qaraxa uu xildhibaan Barre Hiiraale ku dhaawacmay.

Back to Category