Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Xildhibaanada Somalia oo ku sii yaraanaya Baydhabo

Published on: 2007-06-29 12:57:50

(SomaliNet) Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta goboka Bay ayaa tilmaamaya in intii badneyd xildhibaanada dowlada federaalka ee Somalia ay magaalada Baydhabo isaga tageen, kadib markii amaanka magaaladaasi uu faraha ka baxay.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in xidhibaano aad u fara badan ay isaga baxeen magaalada Baydhabo, kuwaasoo badankood aaday dibada, gaar ahaan dalalka Yurub iyo Asia, kuwaasoo sida la sheegay heystay dhalashada dalalka ay markii hore ku noolaayeen ka hor intii aysan noqon xildhibaan ka tirsan dowlada Somalia.

Amaanka magaalada Baydhabo ayaa noqday mid aan la isku haleykarin sida ay sheegeen dad xog-ogaal ah, iyadoo ay magaaladaasi ka dhaceen qaraxyo kala duwan, waxayna taasi sababtay in xildhibaano aad u fara badan ay isaga baxaan magaaladaasi, xili uu dalka ka maqan yahay gudoomiyaha cusub ee golaha baarlamaanka Somalia md Sheekh Aadan Madoobe oo haatan socdaal ku jooga dalka Masar.

Warar aan la xaqiijinkarin aya sheegaya in xidhibaanadu ay saluugeen guuldaradii uu gudoomiayaha golaha baarlamaanka Somalia kala kulmay markii uu ku sugnaa magaalada Nariobi ee dalka Kenya dhaqaalihii uu ka doonayay beesha caalamka ee ku aadan gunooyinka fara badan ee ka maqan xildhibaanada Somalia, kuwaasoo aan wax mushaar ah helin tan iyo markii xilka laga qaaday gudoomiyihii hore ee golahaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hadda jooga Asmara.

Si kastaba ha ahatee waxaa iminka ku sii garaanaya magalada Baydhabo xildhibanada golaha baarlamanka Somalia, iyadoo gudoomiyahoodu uu dalka ka maqan yahay.

Back to Category