Skip to main content
  • President Abdikassim Salad Hassan
    Young Somali? Learn your history!
  • We are building your massive online library...
    Expect exciting new services too. Stay tuned...

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Xildhibaanada Soomaaliya oo aan mushahar qaadan afar bilood

Published on: 2007-07-25 17:11:10

(SomaliNet) Baarlamaanka KMG ee Soomaaliyeed ee fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo oo 250km dhinaca koonfur-galbeed kaga toosan caasimada Muqdishu ayaa maanta sii waday ka doodistii mooshinkii dhowaan la soo bandhigay ee ku saabsanaa saxida howlaha baarlamaanka iyo la xisaabtanka dowlada - iyadoo xildhibaanada aan mushahar la siin muddo afar bilood ah.

Ilaa 155 xildhibaan ayaa soo xaadiray fadhigii maanta oo uu shir gudoominayey afhayeenka baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ‘Madoobe’ si looga hadlo mooshinka ay horey u soo bandhigeen sideed ka mida mudanayaasha.

Sharci-dejiyayaasha, oo aan muda dheer kulmin fadhiyada baarlamaanka saddex bilood ka hor ayaa maanta madax iskula jiray oo mari-waayey iyadoo xildhibaanada qaar ay u muuqdeen kuwo aan ku qancin qaabka shaqo iyo go’aanada ka soo baxa xukuumada.

Dood dheer oo kulul oo ka dhacay hoolka baarlamaanka ka dib ayaa afhayeenka waxa uu aakhiritaankii ku dhawaaqay in mudanayaasha ay tahay inay isku soo laabtaan dooda maalinta Sabtida ee soo socota.

Ilo ku dhow dhow xarunta baarlamaanka ayaa sheegay in xildhibaanada aanay qaadan wax mushahar ah muddo afar bilood ah, taasina ay tahay sababto iminka ay u doonayaan inay la xisaabtamaan xukuumada.

Qaar ka mida xildhibaanada ayaa waxaa ku sii adkaanaya inay sii joogaan hooteelada sababo al xiriira deymaha lagu leeyahay.

Back to Category