(SomaliNet) Gudoomiyaha mamulka ee degmada Buule-berde md Cabdicasiis Duuroow ayaa cadeeyay in ciidamada dowlada federaalka ee Somalia ay gacanta kudhigeen koox burcad ah oo dadka safarka ah dhac iyo dil u geysta.
Gudoomiyuhu wuxuu kale oo uu sheegay inay wali ku raad joogaan kooxo kale oo sida uu sheegay iyagana dhaca dadka musaafurka ah ee ku safra jidka isku xira Muqdisho iyo gobolada dhexe ee dalka Somalia.
Lama sheegin tirada rasmiga ah ee burcad la qabtay, iyadoo talaabadaasi ay dadka deegaanka ay si weyn u soo dhaweeyeen, iyadoo uu xusay inay haatan wadaan dadaal lagu dirirayo tuugada iyo burcad deegaankaasi dadka ku dhaca, si buu yiri lo xaqiijiyo amaanja wadada isku xirta Muqdisho iyo gobolada dhexe ee Somalia.
Kooxo burcad ayaa maal-mihii tagay kusoo badanayay wadada isku xirta Muqdisho iyo gobolada dhexe, iyadoo si xoowli ah dhac u geysta dadka ka soo barakacay dagaalada Muqdisho ka socda.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!