
Duulaanka Kenya ay kusoo qaaday dalka Soomaliya ayaa durbaba la kulmaya caqabad kadib markii ay shacabka Soomaaliyeed iyo mujaahidiintiisa sooma jeestayaasha ahi ay iska caabin adag kala hortageen Saliibiyiinta Kenya.
Dowladda ku caan baxday Musuq Maasuqa iyo laaluush-ka ee Kenya waxay la'dahay dhaqaalihii ay kusii wedi lahayd duulaan gaaledeka ay Soomaaliya kusoo qaaday.
Kenya oo ah dal Faqri ah dhaqaalihiisuna uu ku tiirsan yahay Habraha Reer Yurub ee usoo qama-dhacsiga taga Kenya waxay gelaysaa mugdi dhanka dhaqaalaha ah marka ay mujaahidiinta Soomaaliya weeraraan Dalxiiska Kenya ka dibna ay kala firxadaan Reer Galbeedka usoo tamashle taga harooyinka Kenya.
R/wasaaraha Kenya Raila Odinga ayaa booqasho kedis ah ku tegay magaalada Talaabiib ee dhulka Falasdiin balse xoogga ay ku heysato Israa'iil.
Kulan albaabadu u xiran yihiin oo dhax maray Odinga iyo Bin Yamiin Netenyaahu ayay Kenya waxay Yahuudda uga codsatay dhaqaale lagusii wado dagaalka ay Kenya kusoo qaaday Somaliya.
Odinga ayaa Yahuudda ku cadaadiyay in ay kaalin mug leh ka qaataan duulaanka lagu qaaday Soomaaliya, Wargeyska ugu Afka dheer Yahuudda ee lagu magacaabo Yadcood Acranot ayaa soo daabacay in Golaha Kaniisadka Yahuudda la horgeyn doono Miisaaniyad ay xukuumadda Yahuudu dhaqaale ku siineyso Kenya si ay mujaahidiinta Soomaaliya u wiiqdo.
Kenya waxay taageera ka helaysaa xulufadeeda Kirishtaanka ah sida Mareykanka, IGAD, Midowga Yurub, Yahuudda, Midowga Afrika halka Shabaabul Mujaahidiin ay taageera ka helayaan Allaah Kaliya.
