Happy 15th anniversary Plers

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

oxymoron
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2505
Joined: Tue Jul 05, 2011 10:39 am
Location: Your BS starts and dies in Xamar, where you can't even go swimming without your Adoon boyfriends.

Re: Happy 15th anniversary Plers

Post by oxymoron »

Image

Image

Image


Garowe: Sidee caawa Puntland looga diyaar garoobayaa Xuska 1 Augsto oo ah markii la Aas aasay Dowlada Puntland kuna beegan berito !.

Garowe: (pp)- Maamulka iyo Shaqaalaha Shabakada Puntlandpost.com waxay dadweynaha reer Puntland ugu hambalyeynayaan xuska 15 sano guurada kazoo wareegtey markii dhidhibada loo taagay dowlada Puntland oo iyadu gaartey inta badan himilooyinkii iyo ujeedooyinkii loo aas aasey sanadkii 1998-dii markii ay ku midoobeen shantii Gobol ee kala ahaa Nugaal, Bari, Mudug, Sool, Sanaag iyo Degmada Buuhoodle oo markaas ay ka koobneyd Puntland balse hadda ay kooban tahay 9 Gobol.

Image

aadan munaasabada 1 Augsto hawada u marineysaa dhamaan shacabka reer Puntland , Madaxda iyo Dadweynaha-ba, waxaanu leenahay sanadka sanadkiisa baraare iyo barwaaqo ku gaarar.

Dhanka kale caawa jawiga laga dareemayo deegaanada Puntland ayaa ku saabsan farxad iyo rayn reyn dadka iyo dowladu ugu dabaal dagayaan xuska sanad guurada 15 sano kasoo wareegtey markii lagu dhawaaqey dhismaha Dowlada Puntland oo iyadu soo martey marxalado kala duwan islamarkaana ay maamulka Puntland ergeydii dhistey ee goboladii xilligaas iyo degmada buuhoodle ka yimid tiradooda ay gaareysay 500 oo ergo ah oo soo doortey Madaxweynihii iyo Madaxweyne ku xigeenkii hogaaminayey xukuumadii ugu horeysay ee Puntland Alle ha u naxariistee Col Cabdulahi Yuusuf Axmed iyo Maxamed Cabdi Xaashi oo loo kala doortey Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen.

Image

Xuska 15 sano guurada laga joogo aas aaska Puntland waxa ay bilaaban doonaan xafladaha waaaweyn ee loogu dabaal dagayo maalinta beriya iyadoona ilaa habeen danbe si toos ah warbaahinta qeybaheeda kala duwan si toos ah dadku ugala socon doonaan Khudbadaha iyo bandhiga munaasabadan oo qeybteeda ugu weyn lagu qaban doono Magaalo Madaxda Puntland Garowe halkaas oo ay joogaan dhamaan masuuliyiinta Dowlada, Wafuud kala duwan oo ka kala yimid Gobolada iyo Dibada.

Sida ay sheegeen Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Puntland amaanka ayaa si aad ah loo adkeeyey si looga hortago falal amni daro, kuwaaas oo ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan laamaha Amniga inay kaga hortagi doonaan kooxaha jecel inay carqaladeeyaan amaanka iyo nabadgalyada.

Image

Balse sida la oran karo jawiga magaalo Madaxda iyo magaalooyinka kale waa mid caawa si weyn looga dareemayo u diyaar garowga feestada 15-aad ee Puntland dhismaheeda loogu dabaal degayo.

Puntlandpost.com

Editorial,



Image

C/weli Gaas oo ugu Hambalyeeyay Shacabka Puntland Sanad guuradii 15aad (VIDEO)

oxymoron
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2505
Joined: Tue Jul 05, 2011 10:39 am
Location: Your BS starts and dies in Xamar, where you can't even go swimming without your Adoon boyfriends.

Re: Happy 15th anniversary Plers

Post by oxymoron »

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
^^^Reer Farole
Image

Image
oxymoron
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2505
Joined: Tue Jul 05, 2011 10:39 am
Location: Your BS starts and dies in Xamar, where you can't even go swimming without your Adoon boyfriends.

Re: Happy 15th anniversary Plers

Post by oxymoron »

oxymoron wrote:Xildhibaan Saado Cali Warsame: Gobolada Puntland Shacabka Ku Dhaqan Waa kuwa Xadaaradu ku fogtahay
Image

Boosaaso[RBC Radio] Xildhibaanad Saado Cali Warsame oo ka tirsan Baarlamaanka Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa Ummada reer Puntland uga hambalyeysay Sanadguurada 15-aad ee aasaaska Puntland.
Saado Cali Warsame oo la hadleysay Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in Shacabka reer Puntland dal iyo dibadba ay leedahay Sanadguuro wanaaagsan.
….””Guud ahaan shacabka reer Puntland meel walba oo ay joogaan,waxaan leeyahay Sanadguuro wanaagsan sanadka sanadkiisa nabadqab bashbash iyo barwaaqo Alle ha inagu gaarsiiyo…””ayey tiri Saado.
Waxay Xildhibaanadu ku tilmaantay guud ahaan gobolada Puntland dhul nabadeed isla markaana ah deegaan ugu Xadaarad dheer geyiga Soomaaliyeed.
…””Waa farxad aad u ballaaran,waa gobolada kamid ah geiyigeena Soomaaliya kuwa ugu nabada badan leh ugu Xadaarada dheer leh,waxaan leeyahay guuleysta..””ayey tiri.
Midnimada Shacabka.
Xildhibaanada oo hadaladeeda qiiro laga dareemayey ayaa sheegtay in mar kasta ay Jeceshahay isku Xirnaanta Shacabka reer Puntland meel kasta oo ay joogaan.
Waxaan laga doonayaa bey tiri Saado in Shacabku noqdaan kuwa ka qeybqaata dhisitaanka dalka sida ay iyaguba uga qeybqaateen Jiritaanka dawladooda iyo dhulkooda.
….””” Waxaan idin ku duceynayaa ineydaan arag balaayo, ilaahayna idin ka xijaabo,caqligaas aad ku dhisteen Puntland waxaa la doonayaa inaad Soomaaliya oo dhan ku dhistaan..””ayey tiri mar kale.
Sheydaanku Yuusun Idin soo dhexgelin!!
Xildhibaanad Saado Cali Warsame ayaa kula dardaarantay Ummada reer Puntland iney Ilaashadaan Nabad iyo Barwaaqada isla markaana sheydaan soo kala dhexgelin.
Waxay Intaas ku dartay….”” Waan hubaa inaad tihiin Ummada aan waxba loo sheegeyn oo wax walba og laakiinse waxan leeyahay bashbash iyo barwaaqo waan idin hambalyeynayaa guda iyo dibadba….””ayey tiri.
Sanadguurada 15-aad ee aasaaska Puntland ayaa si weyn looga Xusayaa dal iyo dibadba,waxayna Shacabka reer Puntland u tahay maalin dhankooda ku weyn.

Dr Cabdiweli Gaas oo Shacabka Ugu Hambalyeeyey Sanadguurada 15-aad ee Aasaaska Puntland

Image



Adis Ababa[RBC Radio] Raysalwasaarihii hore ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Cali Gaas ayaa Ummada reer Puntland u diray Hambalyo ku aadan Sanadguurada 15-aad ee Puntland.
Mudane Cabdiweli Cali Gaas oo ku sugan magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in uu bogaadin u dirayo Shacabka Puntland Puntland.
…”” Shacabka reer Puntland dibad iyo gudaba meeshey joogaan annigoo ugu hambalyeynaya Sanadguurada 15-aad ee kasoo wareegtay maalintii la aasaasay dal-udug oo ah dhulka aan wada jecelnaha dhammaanteen….””ayuu yiri Dr Gaas.
Wuxuu sheegay iney farxad tahay in maanta ay kasoo wareegtay Aasaaska Puntland muddo 15-sano ah isla markaana lagu talaabsaday horumar dhan walba ah.
….””” Waxaa runtii farxad ah in maanta ay kasoo wareegtay 15-sano oo dawladnima ah ay ka jirtay Puntland ayna gaartay horumar dhan walba ah mid Siyaasadeed,mid dhaqaale iyo mid Ijtimaaci intaba….””ayuu yiri.
Wax baa dhiman!!
Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in ka sakow in Puntland ay ku talaabsatay horumar ballaaran balse ay weli dhimanyihiin tallaabooyin dhanka horumarka loo qaado.
….”” Sidoo kale waxaa mudan in la xuso in ay wax badan dhimanyihiin loona baahanyahay in Puntland laga qaado meesha ay joogto lana gaarsiiyo meesha kuligeen aaminsanahay iney Istaahisho….””ayuu yiri.
Sidoo kale Mudane Cabdiweli Cali Gaas ayaa Ummada reer Puntland u rajeeyey in Sanadka sanadkiisa kale ay ku gaaraan Caafimaad,horumar,midnimo iyo nabadgelyo.
…..””” Waxaan rajenayaa in Sanadka sanadkiisa kale aad ku gaartaan Caafimaad,horumar,wadajir,midnimo iyo nabadgelyo waarta…””ayuu yiri.
Madax iyo dad magic ku leh geyiga Soomaaliya sida Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kasoo jeeda Puntland ayaa u diray hambalyo Shacabka reer Puntland Sanadguurada 15-aad awgeed.
oxymoron
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2505
Joined: Tue Jul 05, 2011 10:39 am
Location: Your BS starts and dies in Xamar, where you can't even go swimming without your Adoon boyfriends.

Re: Happy 15th anniversary Plers

Post by oxymoron »

Reer Puntland oo u dabaaldagaya 1 Ogosto
Image

Gudaha Puntland meelo badan oo ay Caasumadu u horeyso waxaa laga xusayaa 1 Ogosto oo ah maalintii la aasaasay Puntland sanadkii 1998, Madaxtooyada Puntland waxaa habeenka khamiista ka dhacaya Xaflad aad u balaaran iyadoo la qorsheynayo in si toosa looga daawada TV-Puntland, qurba joogta Puntland ayaa iyana xusaya 1 Ogosto inkastoo sanadkaan ay kusoo aadey bisha Ramadaan waxaa laga yaabaa in Jaaliyadaha badankoodu ay Xaflada u wareejiyaan Ramadaan ka dib, sidii dhacdey sanadkii hore.
Dhamaan Howlwadeenada Puntlandi waxay shacabka Puntland ugu hambaleyeynayaan maalinta 1 Ogosto.
Puntlandi wuxuu idiin soo gudbin doonaa Xafladaha 1 Ogosto meel walba, jaaliyaduhuna waxay kusoo diri karaan Xafladaha London@puntlandi.com, Hadaad emailkale kusoo dirtaan waxaa laga yabaa in daabacaadeedu daahdo.
Puntlandi.com
Garowe
oxymoron
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2505
Joined: Tue Jul 05, 2011 10:39 am
Location: Your BS starts and dies in Xamar, where you can't even go swimming without your Adoon boyfriends.

Re: Happy 15th anniversary Plers

Post by oxymoron »

HAPPY PUNTLAND DAY EVERYONE. :stylin: :dj: :mrgreen: :som: :up:
oxymoron
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2505
Joined: Tue Jul 05, 2011 10:39 am
Location: Your BS starts and dies in Xamar, where you can't even go swimming without your Adoon boyfriends.

Re: Happy 15th anniversary Plers

Post by oxymoron »

Image

:ugeek: :blessed: :lawd: :ehh: :Obama:
Last edited by oxymoron on Fri Aug 02, 2013 6:53 am, edited 1 time in total.
User avatar
Gabre
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1642
Joined: Sun Jun 23, 2013 10:52 am
Location: Shores of Eretz Ogadenia, making aliyah
Contact:

Re: Happy 15th anniversary Plers

Post by Gabre »

oxymoron wrote:Image

:ugeek: :blessed: :lawd: :ehh: :Obama:
Who is the guy to the right of Abdullahi Yusuf? bald with the glasses
oxymoron
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2505
Joined: Tue Jul 05, 2011 10:39 am
Location: Your BS starts and dies in Xamar, where you can't even go swimming without your Adoon boyfriends.

Re: Happy 15th anniversary Plers

Post by oxymoron »

Gabre wrote:
oxymoron wrote:Image

:ugeek: :blessed: :lawd: :ehh: :Obama:
Who is the guy to the right of Abdullahi Yusuf? bald with the glasses
That would be Mudane Mohamed Abdi Hashi.

He was the interim President of Puntland from October 2004 to January 8, 2005.
Niya
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2955
Joined: Sat Jun 02, 2001 7:00 pm
Location: At the end of the tunnel, waiting for the light to come on.

Re: Happy 15th anniversary Plers

Post by Niya »

Puntland Allow dhowr!

Aamiin!
quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: Happy 15th anniversary Plers

Post by quark »

Niya wrote:Puntland Allow dhowr!

Aamiin!
Amin
oxymoron
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2505
Joined: Tue Jul 05, 2011 10:39 am
Location: Your BS starts and dies in Xamar, where you can't even go swimming without your Adoon boyfriends.

Re: Happy 15th anniversary Plers

Post by oxymoron »

quark wrote:
Niya wrote:Puntland Allow dhowr!

Aamiin!
Amin
Amiin ya allah
User avatar
Guul13
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1021
Joined: Fri Apr 05, 2013 1:55 pm
Location: Suldaan Guul Suldaan Mooracase- KABLALAX!

Re: Happy 15th anniversary Plers

Post by Guul13 »

Niya wrote:Puntland Allow dhowr!

Aamiin!
AAMIIIIIIIN!!!
User avatar
Guul13
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1021
Joined: Fri Apr 05, 2013 1:55 pm
Location: Suldaan Guul Suldaan Mooracase- KABLALAX!

Re: Happy 15th anniversary Plers

Post by Guul13 »



:dj:
SecretAgent
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4824
Joined: Wed Jan 09, 2013 4:58 pm
Location: east south west north

Re: Happy 15th anniversary Plers

Post by SecretAgent »

Guul13 wrote:
Niya wrote:Puntland Allow dhowr!

Aamiin!
AAMIIIIIIIN!!!
Ameeen our beloved hero ayan hersi is also celebrating wit us
User avatar
Guul13
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1021
Joined: Fri Apr 05, 2013 1:55 pm
Location: Suldaan Guul Suldaan Mooracase- KABLALAX!

Re: Happy 15th anniversary Plers

Post by Guul13 »

SecretAgent wrote: Ameeen our beloved hero ayan hersi is also celebrating wit us

How is your eedo Amaan? I can't wait for her next erotica :)
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”