Waxaa xalay ka dhacay xaafada Tokiyo ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho fal naxdin iyo argagax ku beeray dadka deegaaankaasi ku dhaqan ka dib markii haweeney ka mid aheyd dadka xaafadaasi ku nool lagu gorwacay Toorey, meydkeedana laga helay gurigeeda dhexdiisa.
Sida warku sheegayo dilka gowraca ah ee loo geystay haweeneydan oo lagu magacisa la oran jiray marxuumad Xaawo Cabdi ayaa waxaa ka dambeeyey nin ka tirsanaa reero uu muddo dheer kala dhexeeyey muran dhinaca dhulka oo marxalado kala duwan soo maray, waxaana la sheegay in qofkii geystay dilkan foosha xun uu baxsaday hase ahaatee waxaa xabsiga saldhiga booliska ee degmada Yaaqshiid ku jira qaar ka mid ah waalidiinta ninka falkaasi geystay, iyadoo ciidamada booliskuna ay baaritaano kala duwan ku hayaan arintaasi, waxayna ilaa saaka waaberigii ku sugnaayeen guriga uu ka dhacay falkan naxdin leh.
Qaar ka mid ah ehelada ay ka soo kala jeedaan marxuumada la dilay iyo ninka dilka u geystay ayaa la sheegay iney wadaan dedaalo ay ku doonayaan iney xaal mastuur ka dhameystaan arintan dhacday, inkastoo dilalka ay caadi ka yihiin magaalada Muqdisho haddana waa markii ugu horeysay ee fal noocan oo kale ah uu ka dhaco magaalada Muqdisho in muddo ah.
Xafiiska wararka ee Muqdisho, Somalia
dayniilecom@hotmail.com
...................................................................................
butchering a woman with toorey? Ala xaasidsanaa, ninkaas mafiyoowo
How sick
