7 ruux oo ku dhaawcamay labo qarax oo ka dhacday wajahada hore ee shirkadda Dahabshiil
Click here to find this article English
Mogadishu 07, July 07 ( Sh.M.Network)- 7 ruux oo mid boolis uu yahay ayaa ku dhaawacmay Labo qarax oo xoogan oo ka dhacday wajahada hore ee dhismaha Shirkadda Dahabshiil ee wadada labaad ee suuqa Bakaaraha, xilli halkaasi ay marayeen ciidamo Boolis ah.
Labadan qarax ayaa waxa ay ahaayeen bam gacmeedyo is xigay oo lagu soo tuuray wajahadda hore ee shirkadda Dahabshiil, iyadoo qaraxa koowaad uu ahaa Bam gacmeed lala eegtay gaari uu watay mid ka mid ah shaqaalaha shirkadda Dahabshiil oo halkaasi ku gubtay , halka qaraxa labaad uu dhacay markii goobta ay soo gaareen ciidamo boolis ah, iyadoo qaraxaasi uu ahaa Bam f1 lagu soo taraarixiyay Laamiga oo dad halkaasi dhoobnaa ay ka kala carareen, waxaana dhaawac uu ka soo gaaray nin boolis ah.
5 ka mid ah shaqaalaha shirkadda Dahabshiil ayaa ku jira dadka ku dhaawacmay qaraxyadani sida uu shabelle u sheegay mid ka mid ah shaqaalaha shirkadda Dahabshiil oo codsaday in magaciisa aan la shaacin.
Ciidamo boolis ah ayaa ku gadaaman goobtaasi oo baaritaano ka wada, iyadoo warar aanu ka heleyno halkaasi ay tilmaamayaan in uu jiro bam kale oo wali aan qarxin oo halkaasi yaala.
Bamka lala eegtay gaariga uu lahaa mid ka mid ah shirkadda Dahabshiil ayaa waxaa ka kacay qiic laga arkay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Lama oga wali kooxaha ka dambeeya falkaan, laakiin Goobta qaraxyadani ay ka dhaceen ayaa daqiiqado ka hor waxaa soo maray saraakiil boolis ah sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Arimahaan ayaa waxa ay ku soo beegmayaan xilli howl-gallo baaritaano ah ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda ay ka wadaan caasimadda gaar ahaan qeybo ka mid ah Bakaaraha maalintii 3aad.
Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe ama haka dheeraan shabelle.net
Waxaan idiin soo gudbin doonaa sawiro ku aadan arintaan.
Click here to find this article English
Shabelle Media Network Somalia
E-mail us: info@shabelle.net
7 ruux oo ku dhaawcamay labo qarax oo ka dhacday wajahada ho
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 199 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 270 Views
-
Last post by Moguul21
-
- 0 Replies
- 319 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 17 Replies
- 19418 Views
-
Last post by garoweboy
-
- 1 Replies
- 19233 Views
-
Last post by GAMES
-
- 15 Replies
- 780 Views
-
Last post by Digdahab
-
- 8 Replies
- 520 Views
-
Last post by Faranacab
-
- 0 Replies
- 273 Views
-
Last post by ruralboy
-
- 0 Replies
- 357 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 3 Replies
- 542 Views
-
Last post by FarhanYare