Maakhir State of Somalia

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
neocon_2007
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6154
Joined: Wed Mar 07, 2007 12:37 pm
Location: Raiding Garowe...

Maakhir State of Somalia

Post by neocon_2007 »

Dowlada Hoose ee maamulka Maakhir ee Degmada Badhan ayaa olole Nadaafadeed bilaabey

Badhan:- Maamul Goboleedka Maakhir State ayaa maanta olole nadaafadeed oo balaaran ka bilaabey magaalada Badhan ee Xarunta Labaad ee Gobolka Sanaag iyadoo ay ololahaasi horkacayeen masuuliyiin ka tirsan Dowlada Hoose ee magaalada Badhan oo sheegey in ololahan ay bilicda magaalada ay kor ugu qaadayaan.



Ololahan ayaa ah kii ugu horeeyey ee ay maamulka Maakhir ku dhaqaaqeen tan iyo intii maamulkaas dhidibada loo istaajiyey bishan aynu ku jirno bilowgeedii isla markaana waxaa arkeysaa cagaf cagafyo daad gureynaya Qashinka iyo baabuur tiro badan oo lagu rarayo qashinka.



Ololahan ayaa waxaa kaloo si buuxda uga qeyb qaadanaya ururada Bulshada iyadoo ay jiraan qaar ka mid ah ururada bulshada iney ku deeqeen kharashka iyo shiidaalka ku baxaya hawshan balaaran oo ay wado dowlada Hoose ee Degmada Badhan.



Hawl wadeenada ayaa wajigooda laga dareemayey farxad iyo iney guteen waajibkoodii ku aadanaa wax ka qabadka degmada Badhan oo ilaa iyo intii bur burkii Dowladii Milateriga ahayd ka danbeysey si weyn u balaaratey.



Waxaa kaloo goobaha ololaha nadaafadu ay ka socoto lagu arkeyey baabuurta masuuliyiinta oo ka lusho calanka buluuga ah ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliyeed.



Waxaa xusid mudan in tan iyo intii uu maamulkani la iclaamiyey ay dadweynuhu dareemeen ololaha nabadeed iyo nidaamka oo si balaaran looga dhex arkayo, waxaana soo badanaya tahniyado ka imanaya qurba joogta ee u dhashey deegaankaas oo muujiyey iney tani tahay firkad loo baahnaa mar hore in la hirgeliyo.



LaasqorayNet/Badhan

Very Happy
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”