Shiikh CaliSalaad Shiikh Cabdi ..Honourable man Indeed.
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- Dr.Galbeyte.
- SomaliNetizen
- Posts: 866
- Joined: Fri Oct 05, 2007 2:19 pm
- Location: Sitting next to the grave of abwaan Jimcaale Jaamac Lugeey(AUN) in Wisil. ..wondering Why he did it.
Shiikh CaliSalaad Shiikh Cabdi ..Honourable man Indeed.
had the oppertunity to meat this man in home in xamar.. few years back.. then met him again on his visit to london.
The man who wedded my parents... This is a special old man ..Ilaahay ha caafiyo..
-----
Xaflad Martiqaad Heer sare ah oo Guddiga Jaaliyadda Beesha Sacad ee Canada ay U Sameeyeen Shiikh CaliSalaad Shiikh Cabdi
--------------------------------------------------------------------------------

Axad, October 28, 2007.
Duhurnimadii Axadda ayaa Waxaa Martiqaad si weyn loo soo anaanulay loogu sameeyay Maqaayadda Safaari ee Magaalada Toronto, Shiikh CalSalaad Shiikh Cabdi Shuceyb oo ka mid ah Cuqaasha Beesha Sacad ahna Xildhibaankii ugu horeeyay ee Beesha Sacad ee laga soo doortay Gobolka Mudug.
Xafladdan Martiqaadka oo ay soo qaban qaabiyeen Guddiga Jaaliyadda Beesha Sacad, ayaa ah mid taabacsan dhaqanka Guddiga jaaliyadda oo mar kasta oo oday ka mid odayada Beesha u sameeya Casuumad Martiqaad ah oo lagu xushmeynayo oday dhaqameedyada Beesha, taasoo ah mid soo jireen ah tan iyo Sanadkii 1990 kii xilligaas oo ay jaaliyaddu si weyn u soo buuxisay Dalkan Canada.
Ugu horeyntii Waxaa Xafladda Hadallo soo dhaweyn ah iyo Mahad celin ah ka jeediyay Maxamed Cali Aadan oo ah guddoomiyaha Jaaliyadda Beesha Sacad ee Canada, isagoo Shiikha uga mahad celiyay aqbalaadda uu ka aqbalay casuumadda ay u fidiyeen, sidoo kalena u mahad celiyay Odayaasha Reer Toronto ee iyagana aqbalay Casuumadda iy Guddiga Jaaliyadda oo iyagu xil weyn iska saara mar kasta sidii ay xasuumad sharaf ugu sameyn lahaayeen odayaasha Beesha ee Soo booqda magaalada Toronto, taasoo ah dhaqan soo jireen oo soo jiidmayay ilaa 1990 kii xiligaas oo xoogga Jaaliyaddu ku soo batay magaalada Toronto.
Waxaa markaa kadib lagu soo dhaweeyay Xuseen Xirsi Dhabbac oo ah gudoomiye ku xigeenka guddiga Jaaliyadda Beesha Sacad ee Canada oo Shiikha Qof qof u baray marti sharaftii ka soo qeyb gashay xafladda, kuwaasi oo uu Dhamaantood Shiikhu aqoonsaday Aabayaalkooda oo uu mid kasta abtiriska labaad ama saddexaad u raaciyay.
Intaa Kadib Xuseen Xirsi Dhabbac ayaa Cod baahiyaha ku soo Dhaweeyay Xaaji Naasir Cabdi Baalle oo ka mid ah odayo dhaqameedyada Beesha Sacad ee magaalada Toronto, oo si durugsan uga hadlay Taariikhda Shiikha iyo magaca uu ku laha Bulshada Soomaaliyeed Dhexdeeda iyo in Shiikhu ahaa Xildhibaankii ugu horeeyay ee Beesha ee laga soo doortay gobolka Mudug, Markii dmbana si aan la fileyn isagoon Doorasho looga qaadin Xilkii ku wareejiyay xildhibaan kale oo beesha ah, wuxuu kaloo Naasir wax ka taabtaabtay Xilkii uu hayay Shiikh Cali Salaad Muddada dheer oo ahaa Qaaliga Koowaad kaasoo hayay xilkaas badi intii Calanka Soomaalidu taagnaa, Wax dowlad lagu sheegana Dhisneyd, waxayna ka dhigeysaa shiikha Mas'uulka kaliya oo la soo shaqeeyay dhamaan dowladihii ka jiray waddanka isagoo xilkiisa had iyo jeer u gudan jiray si daacadnimo ah.
Waxaa hadalka uga dambeeyay Naasir Avvocato Xasan Nuur Riddil, oo ka mid ah Guddiga Jaaliyadda Beesha Sacad isla markaana ka mid ah odaya Dhaqameedka Beesha Sacad ee Canada, oo isagu ka hadlay heerka isku xirnaashaha iyo wada shaqeynta jaaliyaddu mareyso oo uu sheegay iney tahay mid aad u sareyso, kaalin xoogganna kaga jirto wax u qabadka Beesha inteeda kale ee ku sugan Gudaha Dalka , isla markaana xiriir iska war qab iyo wada tashi ka dhexeeyo Jaaliyadaha kale ee Beesha ee Qurba joogta ah.
Waxaa marka kadib hadalkii laga wareegay Saalax Awreeye oo ka mid ah guddiga Jaaliyadda Beesha Sacad oo isagu ka faalooday sida uu ugu faraxsan yahay ka soo qeyb galka Xafladda Casuumaadda Shiikha uuna rajeynayo mustaqbalka marka Qaar martosharafta ka mid ah Ilaah gaarsiiyo in sidaa si la mid ah loogu soo dhaweeyo dunida daafaheeda meel kasta oo jaaliyaddu ku nooshahay.
Waqtiga oo is gurayay Darteed ayaa Xiriiriyaha Xafladda Xuseen Dhabbac ka codsaday Shiikh Calisalaad inuu erayo dhowr ah iyo Duco kus oo khatimo kulan Kheyreedkan ay maanta ku casuumeen, ugu horeyntiiba Shiikha ayaa si weyn u muujiyay sida uu maqsuudka uga yahay Sharafka iyo wanaagga ay u muujiyeen Bulshada Reer Toronto, isagoo sheegay in Meelo Badan oo Yurub iyo Mareykankaba ah u soo maray isla markaana aanan looga soo dhaweyn sida Toronto, Taasoo ayuu yiri Shiikhu ah mid aan aad idiin ka mahad celinaayoi, maankeygana ka go'eyn.
Shiikh caliSalaad oo hadalkiisii Sii watay ayaa kula dardaarmay dhamaan intii madasha fadhiday iney adkeeyaan midnimada Beesha Sacad oo ay ul iyo diirkeed ahaadaan, iyagoo mar kasta badinaaya Xusuusta Alle iyo samafalka bulshada walaalahooda ee Soomaaliyeed, Wuxuuna Shiikhu ugu duceeyay dhamaan Soomaalida Qurbaha ku nool in Ilaahey Ubadka u wanaajiyo oo fitnada Qurbaha ka badbaadiyo, Intii madasha fadisay oo kulli waalidiin ahaa wuxuu kula dardaarmay iney ubadkooda ku tarbiyeeyaan Diinta ISlaamka , taas kaliya ayayna kaga najixi karaan Dhibaatada Adduunka.
Waxaa intaa kadib hadalkii qaatay Abshir Diini Cawaale oo ka mid ah Jaaliyadda Beesha ee Canada, mudooyinkaan dambena ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo ee Dowlad goboleedka GalMudug, isagoo warbixin dheer ka jeediyay horukaca la taaban karo ee Gobolka ka jiro iyo baahoda weyn ee ka jirta sidii wax looga geysan lahaa gaar ahaan dadkii ka soo barakacay Muqdisho oo soo buux dhaafshay deegaanka , una baahan in si aad ah loo taakuleeyo.
Qadadii ayaa halkaa lagu wada cunay iyadoo madasha shirku ay aheyd mid aad u bilicsan oo ay nahadeeda leeyihiin Milkiliyaasha Restaurant ka Safaari, Gaar ahaan Cali Bashiir Nuur oo ka mid ah Guddiga Jaaliyadda Beesha.
kulankan ayaa runtii aniga gaar ahaan xusuus gaar ah ii leh sababta oo ah wuxuu isoo xusuusiyay horaantii sanadihii sagaashameeyadii xilligaas oo uu furnaa safari Restaurant oo aheyd Goob ay ku kulmaan Dhamaan Soomaalida, kuna qabsadaan xafladaha gaarka ah iyo kulammada waaweyn iyadoo markaas ay jirtay isku xirnaasho adag ee Soomaalida Dhexdeeda , iskaba ilow beesha oo markaas ul iyo Diirkeed aheyd.
Guud ahaan Martisharaftii Madasha Fdhisay waxaa ka mid ahaa:
Shiikh Calisalaad - oo martiqaadka loo fidiyay
Maxamed Cali Aadan - Guddoomiyaha Jaaliyadda Beesha
Xuseen Xirsi Dhabbac - Guddomiye ku xigeen
Avv. Xasan Nuur Riddil - Xubin
Xasan Xirsi Kaarshe - Xubin
Salaad Cismaan Gaargaar - Xubin
Xasan Abshir - Xubin
Saalax Awreeye - Xubin
Cismaan Maxamed Ducaale - Xubin
Cali Bashiir Nuur - Xubin
Dr. Cabdulqaadir Aftooje - Oday dhaqameed
Xuseen Ducaale Kaahiye - Oday Dhaqameed
Naasir Cabdi Baalle - Oday dhaqameed
Cabdulqaadir Maxamed Warsame - Oday Dhaqameed
Cumar Jaamac Guutaale - Oday Dhaqameed
Abshir Diini Cawaale - Marti sharaf Gaar ah
Mukhtaar Sh. Calisalaad - Odayga la socday
Maxamed CaliYare - Odayga la socday
Cabdirisaaq Cadde - MudugNet
Mahad Cali Yuusuf - Somali Immigrant Aid Organization.
Waxaa mahad gaar ah loo celinayaa maamulka iyo Shaqaalaha Safari Restaurant oo si heer sare u habeeyay marti sharafta iyadoo ay aheyd maalin aad u shaqo badan oo dhanka kale ee Restaurant ka ay ka jirtay Xaflad soo dhaweyn ah ee Xildhibaan Dr. Sakariya Xaaji Maxamuud, ayna intaa u sii dheer tahay macaamiisha kale ee maqaayadda oo weliba Qoys qoys u imaanayay oo soo buux dhaafiyay maqaayadda .
Waxaan si gaar ah ugu mahad celineynaa Cali Xirsi oo si gaar ah gacanta ugu hayay dalabaadka martiqaadka, oo isaguna ka mid ah dhalinyarada firfircoon ee Beesha.
Cabdirisaaq Cadde Siyaad
MudugNet Editor
Toronto, Canada.
F.G. Sawirada oo aad u badan darteed qeybaha kale waxaa soo galin doonaa iyaga oo ah flasha Movie animation oo uu noo diyaarin doono Tifa tire Al-Xaaji Abyidoon Aw-Baahalow oo iga firaaqo roon haddii Alle idmo.

- AbdiWahab252
- SomaliNet Super
- Posts: 56715
- Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
- Location: Unity. Strength. Capital.
Re: Shiikh CaliSalaad Shiikh Cabdi ..Honourable man Indeed.
Dr.Galbeyte:
I met him when I was 6. He is a relative of mine
He was one of the members of the Somali Judiciary.
I met him when I was 6. He is a relative of mine

He was one of the members of the Somali Judiciary.
- Dr.Galbeyte.
- SomaliNetizen
- Posts: 866
- Joined: Fri Oct 05, 2007 2:19 pm
- Location: Sitting next to the grave of abwaan Jimcaale Jaamac Lugeey(AUN) in Wisil. ..wondering Why he did it.
Re: Shiikh CaliSalaad Shiikh Cabdi ..Honourable man Indeed.
How is he related to you aboowe.. awoowe afaraad yaa wadaagnaa. anagu yeh?
Have you been to his matnion in xamar?

Have you been to his matnion in xamar?
Re: Shiikh CaliSalaad Shiikh Cabdi ..Honourable man Indeed.
Dr.Galbeyte
Sheikh AliSalad use to live {biyo dageenka Hodan} very good man , but this invitation looks like Hilowle Nation , and how do you related him for{aftirsi } he is Reer Cabdi Dufa and you are Reer Qalar -means that is more than 4 granpas !!
,
Sheikh AliSalad use to live {biyo dageenka Hodan} very good man , but this invitation looks like Hilowle Nation , and how do you related him for{aftirsi } he is Reer Cabdi Dufa and you are Reer Qalar -means that is more than 4 granpas !!
,
- Dr.Galbeyte.
- SomaliNetizen
- Posts: 866
- Joined: Fri Oct 05, 2007 2:19 pm
- Location: Sitting next to the grave of abwaan Jimcaale Jaamac Lugeey(AUN) in Wisil. ..wondering Why he did it.
Re: Shiikh CaliSalaad Shiikh Cabdi ..Honourable man Indeed.
LOOL... yaa ku yiri im reer qalar.. ?
Reer Xassan cabdi ayaa ka sii ahay and we go deeper then that..
Waxaan kala baxna maybe on my fourth or fith grandpa'
Reer Xassan cabdi ayaa ka sii ahay and we go deeper then that..

Waxaan kala baxna maybe on my fourth or fith grandpa'
- AbdiWahab252
- SomaliNet Super
- Posts: 56715
- Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
- Location: Unity. Strength. Capital.
Re: Shiikh CaliSalaad Shiikh Cabdi ..Honourable man Indeed.
Dr. Galbeyte,
Kindly ignore Ina Caagoweyne
Rer Quurdhaale had one chance iney xukun qaatan
Kindly ignore Ina Caagoweyne

Rer Quurdhaale had one chance iney xukun qaatan

- Dr.Galbeyte.
- SomaliNetizen
- Posts: 866
- Joined: Fri Oct 05, 2007 2:19 pm
- Location: Sitting next to the grave of abwaan Jimcaale Jaamac Lugeey(AUN) in Wisil. ..wondering Why he did it.
Re: Shiikh CaliSalaad Shiikh Cabdi ..Honourable man Indeed.
AW.. Cagaweyne waa nin wanaagsan and he had to make big dicisions in difficult times .. In the end he did a decent job despite beying melonish*.

Re: Shiikh CaliSalaad Shiikh Cabdi ..Honourable man Indeed.
Dr.Galbeyte
Salaamad Duqa --I thought u were Hilowle Qalar , atleast Melonish man was { Halal ku Nool } still fighting with dignity compare to Qayrdid who was profiting felonious road-blocks , and Now working with the enemy to exort his own People .Phuck him and the Mooryans who support
Abdi_
ashame yourself and leave alone Sheikh Cagawayne !

- Luq_Ganane
- SomaliNet Super
- Posts: 7849
- Joined: Tue May 22, 2007 10:17 am
Re: Shiikh CaliSalaad Shiikh Cabdi ..Honourable man Indeed.
Ba'aa 'Shiikh CaliSalad'
Habar Gidirta ma 2006 bee dhaman shiikh waba noqdeen

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 27 Replies
- 2610 Views
-
Last post by Somalian_Boqor
-
- 24 Replies
- 106 Views
-
Last post by muslim-man
-
- 4 Replies
- 702 Views
-
Last post by bashe19
-
- 0 Replies
- 521 Views
-
Last post by foolxume2005
-
- 1 Replies
- 652 Views
-
Last post by eyes-only
-
- 5 Replies
- 1459 Views
-
Last post by jannoman
-
- 3 Replies
- 63 Views
-
Last post by Areesa
-
- 0 Replies
- 165 Views
-
Last post by Jimbie
-
- 0 Replies
- 336 Views
-
Last post by D-Runner
-
- 16 Replies
- 1268 Views
-
Last post by Shaarib24