Odayaasha dhaqanka degmada Baar Dheere oo wax lagu qoslo ku

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

CoolPoisoninthisbijj
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 540
Joined: Sat Jun 07, 2008 4:33 pm

Odayaasha dhaqanka degmada Baar Dheere oo wax lagu qoslo ku

Post by CoolPoisoninthisbijj »

Odayaasha dhaqanka degmada Baar Dheere oo wax lagu qoslo ku tilmaamay in la sheegto deegaankaasi in lala wareegay.

Carabey Xasan Yare oo kamid ah odayaasha dhaqanka ee degmada Baar Dhere ee gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay ciidamada Maxaakimta Islaamka ee gaaray deegaankaasi in ay jawi colaadeed ka abuurayaan goobo nabdoon.

Gaashaanle dhexe Carabey oo sarkaal ka ahaan jiray xukuumaddii hore ee Somaliya ee Madaxweyne Siyaad Barre ayaa intaasi raaciyay in wax lagu ya yaqdoodo ay tahay in la sheegto mar waliba in degmada Baar Dheere lala wareegay ama la qabsaday,isagoo isweydiinayay yaa lagala wareegaya ama laga qabsaday?

Waxaa uu tilmaamay in degmadaasi aysan ku sugneyn cadow oo uu kala jeedo ciidamada Itoobiyaanka ama kuwa daacad u ah C/laahi Yuusuf sidaasi darteed aysanba jirin wax mar marsiimo ah oo xoogaga hubeysan ay kusoo galaan deegaankaasi.

Degmada Baar Dheere oo kamid ah gobolka Gedo ayaa waxaa ka shaqeeya sida uu sheegay Gaashanle Carabey maamul dadku dhisteen oo ka madax banaan dawladihii dalka soo maray wixii ka danbeeyay xukuumadii Siyaad Barre,isagoona ugu baaqay ciidamada Maxaakimta in ay ka baxaan deegaankaasi.

Xoogaga Maxaakimta ayaa la wareegay degmada Baar Dheere maalintii shalay aheyd kadib markii ay soo galeen iyadoona aysan jirin cid ka hortimid ama la dagaalantay markii ay soo galayeen deegaankaasi.
CoolPoisoninthisbijj
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 540
Joined: Sat Jun 07, 2008 4:33 pm

Re: Odayaasha dhaqanka degmada Baar Dheere oo wax lagu qoslo ku

Post by CoolPoisoninthisbijj »

where are these focking terrorist lovers like Mad_Dogg
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”