Contrary to what very few munaafiqiin say here, Al-shabaab's biggest fan-base has always been and still is in South Somalia and especially in Mogadishu.
----------------------------------------------------------------------------
Ururka Al shabaab oo bilaabay howlo Miinooyinka looga saarayo jidka warshadaha ee magaalada Muqdisho.(Daawo Sawirada)
Posted: 1/19/2009 12:21:00 PM
Shabelle: MUQDISHO
Ururka Al shabaab ayaa maanta bilaabay howlo Miinooyinka looga saarayo jidka warshadaha ee magaalada Muqdisho.
Ololahani oo loogu magacdaray u adeega bulshada isla markaana lagu baarayay waxyaabaha qaraxa laguna furayay wadooyinkii ku xirmay dagaaladii ka dhacay mudada labada sano ah magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo agaasimay ururka Al shabaab oo ka mid ah xoogaga ka dagaalama gudaha dalka.
Kadib howlgalkaasi ayaa waxaa warbaahinta si wadajir ah ula hadlay Afhayeenka ururka Al shabaab sheikh Muqataar Rooboow (Abuu Mansuur) iyo wakiilka ururka Al shabaab ee gobolka Banaadir sheikh Cabdi Max’ed Xuseen,waxana ay sheegeen in ay furayaan wadooyinkii dagaalada ku xiramay isla markana ay ka saarayaan waxyaabaha qaraxa oo ay uga tageen sida ay sheegeen ciidamadii shisheeye.
Sidoo kale Abuu Mansuur waxaa uu sheegay in miinooyinka qaar eek u jira wadooyinka ay galiyeen xoogaga Muqaawamada ragii galiyayna ay Shahiideen sida uu yiri isla markana ay ku tala jiraan in ay ka saaraan goor dhow.
Wakiilka ururka Al shabaab ee gobolka Banaadir sheikh Cabdi Max’ed Xuseen ayaa waxaa uu ka war bixiyay inta wado ee ay fureen iyo howlaha ay ka qabteen,waxana uu tusaale u soo qaatay wadada dheer ee isku xirta Isgooska Cali Kamiin iyo Ifka Xalane oo ah wadada hor marta Garoonka Kubada Cagta ee Muqdisho Stadium taasi oo ay xireen dhir farabadan isla markana maanta ay ka socdeen howlo nadaafadeed oo ay ururkaasi wadeen.
Waa howl galkii ugu horeeyay ee dhirta iyo walxaha qaraxa looga saarayo wadooyinka iyo deegaanada ay ka dheceen dagaalada inta ay ku sugnaayeen ciidamada Ethiopia tan iyo markii ay soo bexeen baaqyo lagu dalbanayo in miinooyinka iyo walxaha qaraxa goobaha ay ka bexeen ciidamada Ethiopia laga saaro.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
Dhageeyso Wararka 1:30-duhurnimo Maalin waliba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.
Daawo Sawirada












