Xoghaya Arimaha Dibada ONLF iyo Mucaardka kale oo Washington DC ku sugan.
Caasimada dalka Maraykanka ee Washington DC, ayaa waxaa kusugan Xooghayaha guud ee Arimaha dibada ONLF, Mudane Cabdiraxmaan Sh.Mahdi, sidoo kale waxaa iyana kusugan Madaxda Jabhada OLF, oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha OLF, Da’ud Ibssa, mucaardka Amxaarada oo uu horkacayo Berhanu Nega oo gudoomiye u ah ururka Ginbot7, waxaa iyaguna kusugan jabhado kale oo Mucaarad ku ah Xukuumada Tigreega oo ay kamid yihiin Mucaaradka Sidaamo iyo Gambela.
Hadaba Safarada Madaxda Mucaaradka ay kujogaan Washington DC, ayaana ilaa hada si toosa ah loo shaacin ujeedadooda rasmigaa warar hoose oo dufaan.com u kuurgashay ayaan ku ogaanay in ay kujiraan wadahadalo gaar- gaar ah oo ay la leeyihiin Xukuumada Cusub ee Madaxwayne Obama iyo Congresskaba kuwaas oo aan ilaa iyo hadda la shaacin ujeedadooda iyo wixii kasoo baxayba.
Mucaaradka dhexdooda ayaa iyaguna wadahadalo uga socdaan Washington DC, kuwaas oo looga arinsanayo Mustaqbalka dalka Itoobiya oo dadbadani aaminsan yihiin in Xukuumada Tigreega wakhtigeedii dhamaaday dalkuna bur-bur qarka usaaran yahay Mucaaradka Tigreega ku kacsan ayaa maalin walba sii badanaya iyada oo wakhtigan xaadirkaa ay jabhada ONLF tahay mida ugu xoog wayn xagga Millitariga Islamarkaasna Siyaasada dhinaca dibada ee ONLF si aan caadi ahayn kor ugu kacday wixii kadanbeeyay dagaalkii Cobale ee 2007.
Magaalada Washington DC ayaa labadii bilood ee ugu danbeeyay ay kusoo qul-qulayaan siyaasiin saamayn badan ku leh Gobalka Geeska Afrika kuwaas oo kala ah Mucaarad iyo Dawladaba arintan oo salka ku haysa dabka ka holcaya Geeska Afrika oo aan meel kaliya salka ku hayn lakiin saamayn kuleh dhamaan dalalka Geeska Afrika warar hoose ayaa sheegaya in Xukuumada Madaxwayne Obama wali ayna qaadanin go’aan rasmiya lakiin ay ubadantahay dhinaca ah in Dagaalada ka holcaya Geeska Afrika ubaahanyihiin in dhamaanba xal guud laga wada gaadho oo loo wajaho si kaduwan xukuumadihii hore ee Maraykanka.
Sikastaba ha ahaatee Muwaadiinin badan oo Reer Maraykan ah asal ahaana kasoo jeeda Geeska Afrika ayaa Isha kuhaya siyaasada Xukuumada Madaxwayne Obama kula dhaqmi doonto Geeska Afrika gaar ahaan Xukuumada Tigreega dadkan oo dhamaan u codeeyay Obama iyo xisbigiisa Democrat, qaar kamid ah Congreeska Maraykanka ayaa iyana cadaadiskooda dhinac ka wada kuwaas oo balan qaaday in ay wax ka qabanayaan dhibka haysta dadka geeska afrika.
Dhinaca kalena waxaa si dhumaalaysiya dhawr jeer ugu soo noq-noqday magaalada Washington DC, Wasiiro Tigree ah oo horkacayay Wasiirka Caafimaadka Ethiopia, oo Isagu ah ninka uu Males Zenawi sida gaarka ah u wato isagoo raba inuu noqdo ninkii badali lahaa xukuumad ku sheegta Tigreega oo wal-wal badani haysto ayaa baryahanba Reer galbeedka iyo warbaahinta caalamkaba usheegaysa in isbadal dhici doono KT.Males Zenawi-na xukunka ka dagi doono.
Dufaan.com kala soco wixii kasoo kordha safaradan aan la shaacin ee Mucaaradka Itoobiya kujogaan Washington DC.
Dufaan/Washington DC.
Ehiopian opposition groups and ONLF in washington for talks.
- hanqadh
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2786
- Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
- Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!
Re: Ehiopian opposition groups and ONLF in washington for talks.
ONLF by far is the most significant group politically and militarily here...we must use the ethio's like the TPLF did.
- Ducaysane_87
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3997
- Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
- Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 499 Views
-
Last post by Queen_Arawello
-
- 4 Replies
- 1220 Views
-
Last post by kambuli
-
- 6 Replies
- 662 Views
-
Last post by nextplaya
-
- 2 Replies
- 481 Views
-
Last post by *jr
-
- 1 Replies
- 427 Views
-
Last post by RuralMan08
-
- 0 Replies
- 318 Views
-
Last post by RuralMan08
-
- 5 Replies
- 542 Views
-
Last post by Queen_Arawello
-
- 0 Replies
- 474 Views
-
Last post by Coeus
-
- 0 Replies
- 323 Views
-
Last post by galia
-
- 41 Replies
- 3069 Views
-
Last post by EEGA9