Madaxweyne Rayaale Oo Kulan Madaxtooyada Kula yeeshay Suldaan Cismaan Cali Madar
Hargeysa(HWN) -Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa kulan ay albaabadu u xidhanyihiin la yeeshay Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar, oo ka mid ah madaxdhaqameedyada Gobalka Togdheer, kana mid ah salaadiinta sida weyn uga soo horjeeda siyaasadda hoggaamineed ee Xukuumadiisa.
Kulankaas oo habeen hore ka dhacay madaxtooyada, ma jiro wax war ah oo ka soo baxay, laakiin ilo ku dhow-dhowaa kulankaas, ayaa Wargeyska Geeska Afrika, u sheegay in kulankaasi ahaa mid la doonayay in la isugu soo dhaweeyo Madaxweyne Rayaale iyo Suldaan Cismaan oo aanu xidhiidhkoodu wanaagsanayn, tan iyo wixii ka dambeeyay markii dabayaaqadii sannadkii 2006 ay xukuumadda Somaliland xabsiga u taxaabtay Suldaanka. Xukuumadda ayaa xilligaas Suldaan Cismaan ku eedaysay inuu qaban qaabiyay shir aan sharci ahayn oo lagu khalkhal gelinayay nabadgelyada Somaliland.
Kulankan, habeen hore, oo uu muddooyinkan u dambeeyay wada hadalkiisu soo socday, waxa la sheegay in Madaxweynaha iyo Suldaankaba uu mid waliba dhinaca kale ugu soo bandhigay tabashooyin ay kala tirsanayeen. Madaxweyne Rayaale iyo Suldaan Cismaan, ayaa ugu dambayn kulankooda oo qiyaastii qaatay ilaa laba saacadood, isku saamaxay, iyagoo is gacan qaaday, waxaanu warku sheegay inay ku balameen wada shaqayn cusub iyo xidhiidh joogto ah. Suldaan Cismaan, oo aanu isku daynay inaanu kulankaas wax ka weydiino ayaanay noo suurto gelin.
Si rasmi ahna looma oga, in Suldaan Cismaan kulankan uu Madaxweynaha la yeeshay wax kaga bedeli doono mawqifkiisii siyaasiga ahaa oo ahaa mid ka soo horjeeday xukuumadda Rayaale. Hase yeeshe xukuumadda, ayaa kulanka Suldaan Cismaan iyo madaxweynaha u aragta talaabo muhiim u ah dhaqdhaqaaqooga siyaasiga ah ee magaalada Burco, maadaama oo uu Suldaanku yahay xubin firfircoon oo saamayn ku leh siyaasadda Burco. Laakiin ilo kale oo Suldaanka ku dhow-dhow ayaa iyaguna Geeska Afrika u sheegay in kulankaasi ahaa mid caadi ah.
Suldaan Cismaan, waxa uu ka mid yahay madaxdhaqameedka culus ee Burco, gaar ahaan beelaha galbeedka Burco, waxaanu si adag u naqdiyi jiray Madaxweynaha iyo xukuumadiisa, iyadoo ay xukuumaduna ku eedayn jirtay inuu taageero xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE.
Madaxweyne Rayaale, waxa dhinaciisa kulanka ku weheliyay Wasiirkiisa Maaliyadda Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), halka uu Suldaakana ku weheliyay mid ka mid ah odayaasha reer Burco oo ay Suldaanka maalintii khamiistii ka soo wada kicitimeen magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer.
Source: www.geeska.net , Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa
Suldaan Cusmaan in Hargeisa holds talks with President
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Suldaan Cusmaan in Hargeisa holds talks with President
This guy is a great guy this guy was the one who said fuck Kuul care ,any person I see in burco with the kuul care shit I will shoot his ass. Wa mujaheed suldaanku I respect him allot.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 5 Replies
- 1160 Views
-
Last post by Murax
-
- 6 Replies
- 778 Views
-
Last post by Cusmano
-
- 2 Replies
- 589 Views
-
Last post by gobdoon
-
- 0 Replies
- 410 Views
-
Last post by Coeus
-
- 35 Replies
- 1895 Views
-
Last post by Addoow
-
- 0 Replies
- 272 Views
-
Last post by galia
-
- 1 Replies
- 603 Views
-
Last post by jamols2
-
- 94 Replies
- 4557 Views
-
Last post by Boqor__Daarod