S/land officials invited by the US Government official visit

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

S/land officials invited by the US Government official visit

Post by The_Emperior5 »

Wefti Culus oo ka Kooban Xukuumadda iyo Baarlamaanka oo Maanta u Ambabaxaya Maraykanka
Written by Qaran News
Feb 23, 2010 at 07:32 AM
Hargeysa (Qaran News) -Wefti culus oo ka kooban Xukuumadda Somaliland iyo golayaasha Baaralamaanka ayaa la filayaa inay maanta u anbabaxaan dalka Maraykanka.

Waftigan oo ku tagaya marti-qaad rasmi ah oo ay ka heleen xukuumada Maraykanka waxay ku sii hakan doonaan dalka Djibouti oo ay u sii dhaafi doonaan dalka Maraykanka.

Waftigan oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, C/laahi Max'ed Ducaale waxa ku wehelinaya wasiirada Arrimaha Gudaha C/laahi Ismaaciil Cirro, Wasiirka Qorshaynta Cali-Sanyare, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Cismaan Sh Cabdi Sh Maxamed iyo labada gudoomiye ku xigeen ee labaad ee golayaasha baaralamanka (Wakiilada iyo Guuritida), Baashe Maxamed Faarax iyo Siciid Jaamac Cali, ayaa Mudada ay joogaan dalka Maraykanka waxa la filayaa inay wada hadalo rasmi ah la yeeshaan xukuumada Maraykanka taas oo uu ku saabsan xoojinta xidhiidhka labada dal iyo arrimaha iskaashiga ay ka yeelan karaan labada dal.

Waa markii ugu horaysay ee wafti culus oo ka kooban xukuumada iyo baaralamanku ay socdaal wada jir ah ugu baxaan dibadda, taas oo xoojinaysa dadaalka ay Somaliland ugu jirto inay aqoonsi ka hesho caalamka.





Waaheen
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”