Cabdiraxman Cabdiqadir hits out on Siilaanyo's Government

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Cabdiraxman Cabdiqadir hits out on Siilaanyo's Government

Post by Siciid85 »

Image

Hoggaanka sarre ee xisbiga Kulmiye oo Arimo Badan Ku Dhaliilay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo
Hargeysa(OWN)- Hogaanka sare ee xisbiga talada yaha ee kulmiye ayaa xukuumada ku cambaareeyey arimo doora oo ay ka mid yihiin Waftiga Puntland ee ku sugan deegaanka Buuhoodle, cabudhinta ay Xukuumada ku hayso Saxaafada iyo Culimada iyo arimo kale.
Shir Jaraaid oo ay maalintii shalay ku qabteen xarunta dhaxe ee xisbiga Kulmiye ayaa waxa ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Koowaad Md. Cabdiraxmaan Cabdiqadir, Gudoomiye ku xigeenka labaad Md. C/raxmaan talyanle , Iyo Xog-hayaha Guud ee xisbigaasi Kayse Xasan Cige .
Waxaana ugu horyn shirkan jaraa’id ka hadlay Gudoomiye ku xigeenkaa koowaad ee xisbiga kulmiye Md: C/raxmaan /C/qaadir oo shegay in xukuumadu ka gaabisay sugida xuduudaha dalka gaar ahaan degmada Buuhooodle oo uu sheegay inay ku suganyihiin dad ka soo horjeedaa madax-banaanida Qaranimada Somaliland, kuwaas oo uu sheegay inay ahayd in talaabo laga qaado ku haboon, oo ka turjumaysa mawqifka Somaliland ee ilaalinta xuduudaha Qaranka iyo ka hor taga cid kasta oo ku soo xad gudubta dhulka Somaliland.
Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye ayaa cadeeyey in xisbiga Kulmiye aanu xukuumada ku taageersanayn inay siyaasin ka soo jeeda Puntlan noocay doonaanba ha noqdeene yimaadaan Buuhoodle iyo meel kale oo dalka ka mida toona, isagoo ku cel-celiyey inay xisbi ahaan ka taageersanyihiin hadalkii wasiir ku-xigeenka arimaha gudaha ee aah in taalabo laga qaado shakhsiyaadka ku soo xad-gudbiya dhulka Somaliland, ee shaqaaqada u hor seedaya. “anagu waxaanu xoojinaynaa inaan arintaa sidaas laga aamusin ee wax laga qabto, waxaanan leenahay yaan laynugu deyin wax dhibaato inoo gaysana, oo waa laynagu deyi doonaanaaye ha laga feejignaado, waliba anagu hadii aanu nahay xisbiga kulmiye waxaanu taageersanahay hadalkii wasiir-kuxigeenku uu nimankaasi ku hor joogsadaay, maxaa yeelay waa nin ka soo jeeda deegaanka, waa nin garaada, oo kala garanya dadka iyo dalkaba, markaa xukuumada waxaanu u sheegaynaa inay sugto xuduudaha dalka oo dhan, waayo daal aan xuduud lahayn cid iictiraafaaysaa ma jirto”
Sidoo kale waxa uu C/raxmaan C/qaadir wax laga xishoodu ku tilmaamay xadhig la sheegay in xukumadu la damacsan tahay Sh Aadan X.Maxamuud (Aadan Siiro) isaga oo arintaas ka hadalayna waxa uu yidhi “ iska daa waa la xidhayaaye, qofkaa ku fikira in aadaan siiro la xidho waxaanu u aragnaa mid aan damir lahayn, waayo sheikh aadan siiro waa nin wadaniya, waa nin dalkiisa jecel , markaa hadii uu ka diiray arintan foosha xun ee ka dhacday magaaladiisii ,Waa meel ka dhac weyn xadhiga la doonayo in lagu xidho Sh. Aadan Siiro, anigu waaban la yaabay markii aan maqlay arintaas Aadan Siiro waa nin aad u taageersan qadiyada gooni isu taaga Somaliland marka loo eego culimada kale.”
Waxa kale oo uu Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Kulmiye Md.Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ka hadlay Cabudhinta ay Xukuumadau ku hayso saxaafada madxa banana waxa uu yidhi “Calamka saxaafaddu waxay qorayaan hadaad aragtaan, teena waxaabada odhanaysaan waxba maaha, waayo nimanka suxufiyiinta ahi waxay ku hayaan madaxda dunida ugu khatarsan waad fajacaysaan hadii aad aragtaan, markaa saxaafaddu marnaba ma sheegto wax wanaagsane, cabudhinta ha laga daayo, oo yaan xoriyada saxaafada meel laga dhicin iyo sharciga dalka u yaala”
Waxa kale oo uu Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Kulmiye ka hadlay Kiiska Ninka Jarmalka ah waxa uu yidhi “Yeelimayno in sharci aan ka Islaamka ahayn lagu qaado dacwada loo haysto ninka Jarmalka ee hablaheena faro xumeeyey, iyadoo cadayntii la hayo dabigaa uu galay, maadaama oo uu ninkani markii hore u sheegtay inuu Muslim yahay,Waxaanu xukuumada ka dalbaday in shareecada Islaamka lagu fuliyo dacwada loo haysto ninka Jarmalka ee faro xumaynta u geystay gabadhaha reer Hargeysa”.
Xoghaya Guud ee Xisbiga kulmiye Md: kayse Xasan Cige oo isna shirkan-jaraa’id ka hadlay ayaa si kulul u camabaareeyey xadhiga ay xukuumada siilaanyo ku xidhay Gudoomiayaha wargeska waaheen, kaa soo uu ku tilmaamay mid aan sharciga waafaqsanayn, isla markaana xad-gudub ku ah xeerka saxaafadda madaxa-banaan ee Somaliland.
.
Sidoo kale waxaa isagu shirkasi-jaraa’id ee shalay hogaanka xisbiga kulmiye qabtay ka hadlay Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye C/raxmaan Talyanle oo sheegay in xukuumadu wax badan qabatay wakhtigii koobnaa ee ay talada haysay, inkasta oo aanay wali dhamays tiring baahiyihii dalka yaalay ee looga fadhiyey inay wax ka qabato.
Waxaanu intaasi ku daray in Xeerka kala xadaynta mushaharooyinka ee madaxweynaha iyo ku- xigeenka ee ay xildhibaanada Golaha wakiiladu ansixiyeen uu ka yimi madaxweynaha oo uu sheegay inuu ka codsaday qaar ka mida xildhibaanada Golaha wakiilada inay xadeeyaan mushaharkiisa iyo ka Golayaasha labadaba, kaas oo mudanayaashii uu madaxweynuhu ka codsayna ay soo hor dhigeen Golaha, isla markaana dood ka dib sidaasi Goluhu ku ansixiyey.

Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Kulmiye Md.cabdiraxman Cabdiqaadir.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Cabdiraxman Cabdiqadir hits out on Siilaanyo's Governmen

Post by The_Emperior5 »

one thing i dont like about Kulmiye is way is wada buriyaan they contradict eachother they need to learn arimahooda daakhiliga hoos ahaan u so dhamaystan.

i am sure Cabdiraxmaan cabdulqadir farax is a good guy but this is not the time eventhough waxyalaha qalladka eeh dhaca wa inay si hoos ahaan u dhamaystaan Dawlada iyo xisbiga kulmiye. Right now he is doing the work of udub and ucid.
User avatar
KyrieJama
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3930
Joined: Tue Aug 24, 2010 8:21 pm
Location: Somalia

Re: Cabdiraxman Cabdiqadir hits out on Siilaanyo's Governmen

Post by KyrieJama »

This is all planned in order to try to separate the government and the party. :lol: They are trying not to make the same mistake as Udub and mix the party affairs with the government :up:
User avatar
GENERAL_SNM
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9757
Joined: Fri Jul 13, 2007 1:32 pm
Location: ''Nimankii Maroodiga ahaa mudanki reer Daahir''

Re: Cabdiraxman Cabdiqadir hits out on Siilaanyo's Governmen

Post by GENERAL_SNM »

Tell him to cry a river, Siciid. :lol:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Cabdiraxman Cabdiqadir hits out on Siilaanyo's Governmen

Post by Siciid85 »

Cabdiraxman Cabdiqadir. :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”