http://horseedmedia.net/2011/04/03/daby ... buuhoodle/
Dablay hubaysan ayaa raashin deeq ah oo loo wadey dadka abaaruhu saameeyeen ku boobay gudaha magaaaladda Buuhoodle ee xarunta gobolka cayn.
Guddoomiye kuxigeenka gobolka Cayn Maxamuud Sheikh Cumar Xasan oo la hadlay Horseed Media ayaa sheegay in raashinkaasi oo isugu jiray Bur, Bariis ,Sonkor,Saliid iyo waxyaabo kale ay boobeen dhalinyaro hubaysan, raashinkaasi oo Dowladda Puntland ay ugu talagashay dadka ay abaauruhu saamaynta ku yeesheen ee kunool gobolka Cayn.
Wuxuu intaasi ku daray in ay jiraan dhalinyaro fara badan oo hubaysan, maadaama buu yiri gobolka dhowaanahanba ay ka jireen abaar iyo colaad isbiirsaday.
“…..baahiddii abaareed iyo dad hubaysan ayaa is helay,wa midda keentay dhacdadaasi horseeday in dadkii loogu talagalay raashinka uusan gaarin….”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobalka Cayn.
Mar uu ka hadlaayay xaaladda abaareed ee ka jira gobolka Cayn ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in gobolkaasi ay ka jirto abaaro xoogan.
Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli abaaro xoogan ay ka jiraan Puntland iyo guud ahanba Soomaliya.
Horseed Media
Aid to Buhoodle raided & falls into the wrong hands!
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 13 Replies
- 1921 Views
-
Last post by Methylamine
-
- 3 Replies
- 76 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 15 Replies
- 1348 Views
-
Last post by EEGA9
-
- 6 Replies
- 869 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 1 Replies
- 327 Views
-
Last post by new-york24
-
- 11 Replies
- 718 Views
-
Last post by Somalian_Boqor
-
- 4 Replies
- 380 Views
-
Last post by oldenglish
-
- 77 Replies
- 3815 Views
-
Last post by Based
-
- 3 Replies
- 381 Views
-
Last post by QansaGabeyle
-
- 8 Replies
- 1765 Views
-
Last post by Togdeer
