Seattle Washington oo si ballaaran looga xusay 1da Ogost

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

Seattle Washington oo si ballaaran looga xusay 1da Ogost

Post by Somalian_Boqor »

Seattle Washington oo si ballaaran looga xusay munaasabadda 1da Ogost.



Magaalada Seattle ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo lagu xusayay maalinta aasaaska Puntland, waxaana ka soo qayb galay munaasabaddaas dhaliyaro, waxgarad iyo aqoonyahan fara badan oo ka tirsan jaaliyadda Puntland ee gobolkaas.

Xafladdan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay qaar ka mid ah dhalinyarada ugu firfircoon gobolkaasi oo ay ka mid yihin Nuune Diiriye, Nuur Muuse, Cabdiqani Cabdi Cilmi, C/lahi Cabbas yey iyo dhalinyaro fara badan , waxaana hadallo ka jeediyay qaar ka mdi ah wax garadkii kas oo qayb galay oo dhamaantood ka hadlay muhimadda ay leedahya maalintan.

Sidoo kale waxaa kulankaas lagu isku baraarujiyay in laga qayb qaato horumarka ka soconaya gobolka iyo taageerada xukuumadda, iyo sidoo kale sidii garab loo siin lahaa walaalaha Soomaalida ah ee ku dhibaataysan koonfurta Soomaaliya ee ay abaaruhu saameeyeen.

Guud ahaan xalfladdan ayaa waxa ay ku soo dhamaatay jawwi aad u qurux badan iyada oo dhamaan dadkii ka soo qayb galay ay muujinayeen sida ay ugu faraxsan yihin munaasabaddan.

Mahad Jama
Galakyo
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”