Koox Yamaniyiina Oo Si Bilaa Sharciya Uga Kaluumaysanayay Biyaha Badda Somaliland Oo Maxkamada Gobolka Saaxil Xukun Iyo Ganaax Lacageeda Ku Fulisay
Maxkamada Gobolka Saaxil ayaa Saaka Xukun Ganaax Lacageed ku riday Naakhuudayaasha watay Doonyo Tiradoodu gaadhayso 14 Doonyood oo ay saaranyihiin 80 shaqaale ahi, kuwaas oo Biyaha Badda Somaliland si sharci daro ah uga Kalluumaysanyey oo ay ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland 02/12/2011 kasoo qabteen xeebaha bari ee gobolka Saaxil iyaga oo si bilaa Sharciya uga Kaluumaysanaya Biyaha Bada Somaliland balse waxa la sheegayaa In ay kaluumaysatadan yamaniyiinta ah ay soo hageen shuraakona ay ku yihiin qorshahan sharcidarada ah qaar kamida dadka deegaankaa laga soo qabtay ku dhaqan deegaankaas ayay masuuliyiinta ciidamada ilaalada xeebaha Somalilandku sheegeen meesha lagu magacaabo(Ceeldaraad)oo kamida xeebaha bari ee gobolka saaxil sharcidarada ay kooxahani ku kaluumaysanayeen Ayaa waxa udheeraa qaarkood in ay lasoo baxeen ruqsado kaluumaysi oo foojariya kuwaas oo uu sheegay gudoomiyaha maxkamadu in ay sameeyeen laba Kamida kooxdan sida sharcidarada ah ukaluumaysanayay balse iyagu baxsaday kana tagay laba laash oo ay doonyaha ay wateen jiidanayaan laashashkaasi labada ahna ku wareejiyay ciidamada ilaalada xeebaha
Somaliland.
Maxkamada oo ay Saaka ka soo Xaadireen Saraakiil Sar sare oo ka socday Ciidamada Xeebaha Somaliland oo ay kamid yihiin Taliyaha guud ee ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland Admiral Axmed Awcismaan. Taliye xigeenka guud ee ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland Cabdi Xirsi Ducaale iyo Taliyaha saldhiga berbera iyo aagiisa Cawaale Axmed Galaal, iyo Dadwayne aad u tiro Badan, oo dacwadan dhagaysanyey, ayaa waxa kiiskan cadaymahiisa soo gudbiyay Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland oo iyagu gacanta kusoo dhigay Kaluumaysatadan reer Yamaneed ee sida bilaa sharciga ah uga kaluumaysanayay biyaha bada Somaliland mana aha markii ugu horeysay ee ay usoo tuugatagaan kooxaha dabatada ah ee reer Yamaneed biyaha bada ee Somaliland waxaana marwalba xeebaha bari iyo galbeed ee gobolkan saaxil laga soo qabtaa kooxo aan tiro laheyn oo jilaabanaya khayraadka biyaha bada Somaliland ku jira iyada oo marka lasoo qabtana ay inta badan maxkamada gobolka Saaxil xukunadii la rabay marinin ee ay ganaaxyo lacageed oo fudud ku fuliso taasina la odhan karo waa ta keenaysa soo noqnoqoshada kooxaha yamaniyiinta ah ee faraha baas ku haya kaluunka iyo dhamaan khayraadka Somaliland ee bada sidii hore udhici jirtay ayaa waxa manta kooxahan kaluumaysatada ah ee yamaniyiinta ah lagu xukumay ganaaxyo lacageed oo udhexeeya(1.000.dollar ilaa 7.000.$dollar oo lacagta mareykanka ah)oo uu Maxkamada kaga dhawaaqay gudoomiyaha maxkamada gobolka Saaxil Cismaan Ibraahin Daahir(Cismaan Fanax)isaga oo qodobo sharciya waafajiyay gudoomiyuhu xukunkiisa lacageed kana hor akhriyay qodobadaa maxkamada waxaana maxkamada la horkeenay(6)lixdii masuul ee(14)afar iyo tobanka doonyood masuuliyadeeda lahaa halka shaqaalihii iyo wadayaashiina xabsiga berbera ay ku jiraan kadibna markii xukunkaasi dhacay masuuliyiintaasi doonyahana lagu celiyay xabsiga berbera.
Waxa kaloo ay maxkamada gobolka Saaxil ciidamada ilaalada xeebaha ku wareejisay(3.000KG)oo ah kaluunkii lagu soo qabtay doonyahan yamaniyiintu wataan ee sida bilaa sharciga ah uga kaluumaysanayay biyaha bada Somaliland isaga oo gudoomiyaha maxkamdu sheegay in uu ciidamada dhiiri galin usiinayo Kaluunkaa.
Maxamed C/Laahi Faarax
Gabiley News Reporter
Kaluunki na waxa la yidhi askartii , qaata oo ka dherga !.
