December 31st, 2011--5:46 am --
Ganacsade Mustafe Cali-Deeq oo Baabuur SURF ah ugu Deeqay Dhismaha Wadada Cad ee Hargeysa iyo Sallaxley isku Xidha
posted by: Hassan Keef-keef
Ganacsade Mustafe Cali-Deeq oo Baabuur SURF ah ugu Deeqay Dhismaha Wadada Cad ee Hargeysa iyo Sallaxley isku Xidha
Hargeysa(ToggaHerer)-Muwaadin Mustafe Cali Deeq oo kamid ah Ganacsatada reer Somaliland gaar ahaan Hargeysa ayaa Hal Baabuur ugu Deeqay Guddiga Dhismaha Wadada Cad ee isku xidha Hargeysa iyo Sallaxley.
Baabuurkan oo Noociisu yahay SURF, Sumadiisuna tahay 27483, waxa Ganacsade Mustafe Cali Deeq ugu talo galay in Guddiga uu u sahlo hawlaha dhismaha waddada cad oo la filayo in Maalmaha soo socda la bilaabo dhismaheeda. Waxaana Munaasibad deeqda gaadhigan goob jog ka ahaa isla markaana Ganacsadaha iyo guddiga u kala gudoomay Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Muxumed Maxamed.
Ganacsade Mustafe Cali Deeq Mar uu ka hadlayay Gaadhigan uu bixiyay waxa uu tilmaamay in markii la shaaciyay dhismaha wadada cad uu goaansaday in wixii awoodiisa ah kaga qayb qaato qaadhaanka, isla markaana uu gaadhigan u qorsheeyay in guddigu u adeegsato hawlahooda shaqo.
Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Xoog oo gaadhigan ka gudoomay Ganacsadaha ayaa uga Mahad naqay karaankiisa isaga oo ku tilmaamay mid ku dayasho mudan oo loo baahan yahay in dadka kale ee u dhashay deegaanku ka tusaale qaataan Mustafe Cali Deeq “Aad iyo aad ayuu u mahadsan tahay Mr. Mustafe Cali Deeq, runtii waa mid ku dayasho mudan maadaama oo isaga oo aan waxba la weydiin uu go’aankan fiican qaatay, Eebe ha kaa abaal mariyo ayaan leeyahay, waanu kuu ducaynaynaa”Sidaa ayuu yidhi Wasiir Xuseen Xoog, waxaanu farriin u diray dadka kale ee deegaanka u dhashay “Ragga kale ee Mustafe la midka ah waxaan leeyahay waad aragtaan Garashada Mustafe, idinkana waxaa la idiinka baahan yahay inaad ka qayb qaadataan…..Barbarkay ka baxdaa waa bakayle Qaleen”.
Kadib markii wasiirku ka gudoomay baabuurka Mustafe Cali Deeq waxa uu isla markiiba ku wareejiyay furayaashii guddiga dhismaha oo goob jog ahayd, waxaana Rashiid Maxamed Jaambiir oo Gudoomiye u aha guddida guud uu sheegay in ay u baahnaayeen isla markaana sida ugu dhakhsaha badan ugu wareejin doono Injineerada hawsha wada.
Warqabadka Togaherer
Xafiiska HArgeysa
http://www.togaherer.com/2011/12/31/gan ... sku-xidha/
Businessman Mustafe donates Toyota Surf to Gudiga Wadada Cad
Moderator: Moderators
- HaragWafi85
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 1838
- Joined: Sun Sep 19, 2010 9:48 am
- Location: Somaliland.
Businessman Mustafe donates Toyota Surf to Gudiga Wadada Cad
Muwaadin Mustafe Cali Deeq oo kamid ah Ganacsatada reer Somaliland gaar ahaan Hargeysa ayaa Hal Baabuur ugu Deeqay Guddiga Dhismaha Wadada Cad ee isku xidha Hargeysa iyo Sallaxley.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 34 Replies
- 2375 Views
-
Last post by original dervish
-
- 13 Replies
- 1595 Views
-
Last post by gegiroor
-
- 0 Replies
- 216 Views
-
Last post by Lexmark
-
- 2 Replies
- 239 Views
-
Last post by Leila2007
-
- 6 Replies
- 425 Views
-
Last post by Afraa*
-
- 8 Replies
- 596 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 14 Replies
- 714 Views
-
Last post by YunG_GuNNN
-
- 21 Replies
- 2064 Views
-
Last post by gurey25
-
- 19 Replies
- 949 Views
-
Last post by surria
-
- 2 Replies
- 388 Views
-
Last post by Rabshoole


