Gacalooy afkaagiyo
· eegmadiyo jalleecada
· indhahaaga ugubyehey
· Geela aragtidiisiyo
· waxaa lagu asteeyaa
· sidii Faras araara ah
· Gammaan urisay Aaroo
· dareenkii ku idilyahay,
· sanka aalad gooni ah
· sunniyaha ku awlalan
· irbadkeeda hoosiyo
· bu'da unug-cadkeedii
· ayrishkiyo daboolkiyo
· aragsidaha oo kali
· agab lala hareerdhiga
· ma aan ilin intaan jiray,
· Ifkan aan ku noollahay
· indhaheygu mey qaban,
· Alloow aadan iil tagin
· innagoon aroos galin
· Oorideyda aad noqon.
· Raxmooy aynigaa tahay
· abbaarkiyo garaaraha
· gacmahaaga ula dhabi
· sidoodii la eentiray
· amqaadka laafyaha
· dhaxda sidii aloolkiyo
· udub toosan oo kale,
· luquntaada geed agan
· arla dihin ku yaalliyo
· itaalkiisa Toowsigaa
· huunno lagu inshaaraa,
· dibnahaaga ulaygiyo
· ustarkiyo madoowga ah
· midabkaaga oog-waa
· asalkiyo guduudka ah
· amma ubax shindhalad ohoo
· wali aan abaarsanin,
· Alloow aadan iil tagin
· innagoon aroosgalin
· Oorideyda aad noqon.
· Gabdhihii Ambiyadiyo
· ka sokoow asxaabtii
· Raxmooy adiga oo kale
· Ifka hooyo mey dhalin
· uur laguma soo sidin
· lamma soo abaabibnin
· Aabba muu gardaadinin
· ragna Arad ummey noqon
· timmaheeda muu arag
· araxdeeda muu dhugan
· Abwaan caashaq lamma jilin
· ugaasooy kummuu oran
· habeen muu agjiifanin
· umma uu abaalgudin
· Abboowana kummey dhihin,
· ammaantaada gacalooy
· ma idleynkaraayee
· Alloow aadan iil tagin
· innagoon aroosgalin
· Oorideyda aad noqon.
· Ina-Aadan Deeqeey
· qurux aabbaheedeey
· indha-caashaqleeyeey
· ayaan iyo nin hood lahaad
· Raxmooy ubad u qaaddaa
· ood Arad xalaal iyo
· ilmasida u noqotaa,
· aqal kaala toosaa
· ballantaada oofshoo
· immin dhexe habeenkii
· timmahaaga alabsadee
· oofaha ku seexdeen
· naasaha ibtoodiyo
· kuu salaaxa oogadoo
· adoo godol u agabdhigay
· neeftaada udugga leh
· sidii ila durdurayaan
· afkiisii ka buuxsada,
· ujeeddadu waxey tahay
· jacayl baa i abbaaroo
· Raxmooy aawadaa baan
· dummar uga agaagee
· eraygeynu dhiganniyo
· axdigii ha eexanin
· Alloow aadan iil tagin
· innagoon aroos galin
· Oorideyda aad noqon.
Rights: Maxamed Cabdiqaadir Daa'uud [Stanza] wuxuu curiyey maansadan August 19, 2003 wuxuuna u allifay lamaantissa oo aad ugu dheer: Wuxuu yidhi:
Amaan Dumar.
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- PrinceDaadi
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2442
- Joined: Sun Jul 10, 2011 5:32 pm
- Location: Daadi Island
-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3364
- Joined: Sun Jul 10, 2011 8:58 pm
- Location: Where squirrels cross the road freely
Re: Amaan Dumar.
Does it come in hees?
- PrinceDaadi
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2442
- Joined: Sun Jul 10, 2011 5:32 pm
- Location: Daadi Island
Re: Amaan Dumar.
I m not sure, i have seen this gabay in the internet back on 2005 and sent it to my email and jst remembered when i got interest in women.
-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3364
- Joined: Sun Jul 10, 2011 8:58 pm
- Location: Where squirrels cross the road freely
Re: Amaan Dumar.

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 6 Replies
- 878 Views
-
Last post by Beans
-
- 31 Replies
- 2209 Views
-
Last post by Perfect_Order
-
- 0 Replies
- 597 Views
-
Last post by Ghetto_Faarax
-
- 6 Replies
- 727 Views
-
Last post by Executive
-
- 16 Replies
- 2146 Views
-
Last post by KingWaslawi
-
- 9 Replies
- 929 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 94 Replies
- 9935 Views
-
Last post by Rooble90
-
- 2 Replies
- 248 Views
-
Last post by FarhanYare
-
- 3 Replies
- 890 Views
-
Last post by gemini07
-
- 13 Replies
- 2011 Views
-
Last post by Twist