wareegtada madaxweenaha oo hiraan labo hobol ka dhigtey

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
sahal80
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21185
Joined: Sun Jan 08, 2012 1:49 pm

wareegtada madaxweenaha oo hiraan labo hobol ka dhigtey

Post by sahal80 »

Xildhibaan xabeeb Stands there in the link.
Thanks mawlaanaa sharif.

http://www.warfaafiye.com/wp-content/up ... b-Nuur.jpg
User avatar
sahal80
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21185
Joined: Sun Jan 08, 2012 1:49 pm

Re: wareegtada madaxweenaha oo hiraan labo hobol ka dhigtey

Post by sahal80 »

maaliya oo ku taariikheysnayd 23-kii bishan oo aan weli saxaafadda loosoo bandhigin ayaa lagu sheegay in gobolka Hiiraan loo qaybiyay laba gobol oo kala ah: gobolka Hiiraan oo xaruntiisu ay noqonayso Baladweyne iyo gobolka Shabeellada sare oo xaruntisu ay noqonayso degmada Buuloburte.
Wasiirka arrimaha gudaha dowladda KMG ah, C/samad Macallin Maxamuud ayaa soo jeediyay in gobolkaas laba loo qaybiyo, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo gobolka Hiiraan loo qaybiyo laba gobol tan iyo markii ay Soomaaliya xorowday.
“Dadaallo muddo dheer oo soo socday kaddib waxaa lagu guuleysatay in gobolka Hiiraan loo qaybiyo laba gobol,” ayuu yiri xildhibaan Ibraahim Xabeeb Nuur oo ahaa hormuudka xubnihii dadaalka ugu jiray in gobolka Hiiraan loo qaybiyo laba gobol oo maanta HOL kula hadlay Muqdisho.
Wareegtada ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu u cuskaday tallaabadan qodobka 39-aad farqadiisa labaad ee Axdiga KMG ah iyo qodobbo quseeya xeerka maamullada gobollada iyo degmooyinka Soomaaliya oo soo kala baxay sannadihii 1980-kii iyo 1984-kii.
“Sannadkii 1998-kii ayay soo billowdeen dadaallada lagu doonayay in gobolkaas looga dhigo laba gobol, waxaana gobolka Hiiraan uu ahaa gobolka keliya ee aan loo qaybin laba tan iyo markii ay Soomaaliya ahayd sideedda gobol, taasna waxaan u aragnay inay cadaalad-darro tahay,” ayuu yiri xildhibaan Xabeeb.
Wareegtada madaxweynaha ayaa lagu sheegay in soohdimaha degmooyinka labadan gobol dib laga sixi doono, waxaana gobolka Hiiraan uu ka koobnaanayaa 12-degmo, halka gobolka Shabeellada sare uu ka koobnaan doono sagaal degmo oo keliya.
Xildhibaanku wuxuu hadalkiisa ku daray in sannadkii lasoo dhaafay ay xoojiyeen dadaalka gobolka Hiiraan laba loogu qaybinayo ayna ku guuleysteen ugu dambeyn 23-kii bishan oo wareegtada arrintan lagu caddeynayo ay kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.
Gobolka Hiiraan ayaa wuxuu ka mid ahaa lixdii gobol ee ay ka koobnaayeen gobollada Koonfurta Soomaaliya lana sameeyay sannadkii 1948-kii, waxaana sidoo kale uu ka mid noqday siddeeddii gob ol ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ka koobnayd markii la xoroobay sannadkii 1960-kii, iyadoo gobolkan aan weligiis la qaybin.
“Anigoo ku hadlaya magaca reer hiiraan iyo guddigii howshan ila waday waxaan mahadcelin u diraynaa madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo wasiirka arrimaha gudaha C/samad Macallin Maxamuud oo go’aankan taariikhiga ah qaatay. Waxaana tani ay noqonaysaa in gobollada Hiiraan iyo Shabeellada sare ay buuxiyeen shuruucda dalka u degsen ee lagu sameyn karo maamul goboleed,” ayuu yiri xildhibaan Ibraahim Xabeeb.
Ugu dambeyn, xildhibaanku wuxuu sheegay in dadaalladan ay soo wadeen qaar ka mid ah xildhibaannada iyo wasiirrada kasoo jeeda gobolka Hiiraan iyo shacabka reer Hiiraan, isagoo ku tilmaamay tallaabadan mid aad loogu farxo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Hiiraan”