Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye Ee Gobalka Awdal Prof. Dixood Oo Xilkii Gudoomiyenimo Iskacasilay iyo Dareenka Ku Xeeran
Oct 14,2012 Hargaysa(Cadceed) – Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye ee G/Awdal Prof. Aadan Diiriye Dixood ayaa maanta iska casilay xilkii Gudoomiye-nimo ee xisbiga Kulmiye ee Gobolka Awdal.
Prof. Dixood ayaa waxa uu ku micneeyay is casilaadiisa waqtigan mid shaqsi iyo go’aan isaga iyo qoyskiisa ka soo go’ay waxana uu ka gaabsaday inuu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo sababaha kale ee ku xeeran iscasilaadiisa.
Prof. Dixood waxa uu u mahadnaqay hogaanka xisbiga iyo xarunta dhexe oo uu sheegay inay ka aqbaleen is casilaadiisa.
Dhinaca kale waxa ay wararku intan ku darayaan inaanay meesha ka madhnayn inay is casilaadani timid todobaado kadib markii maamulka Gobolka Awdal ee Xisbiga kulmiye ay hayadaha ay khusayso u gudbiyeen dacwad ka dhan ahayd Wasiir ku xigeenka Waxbarashada oo ay sheegeen inuu si ku talaxtag ah u soo faragaliyay hawlaha shaqo ee uu xisbiga ee G/Awdal.
Lama sheegi karo in is casilaadan shaqsi ee Prod. Dixood ay xidhiidh la leedahay duruufahaasi shaqo eek u gadaaman maamulka G/Awdal ee Xis. Kulmiye iyo inkale, balse waxa ay taariikhdu xusaysaa in uu manta Xisbiga Kulmiye maamulkiisa ka faaruqay rukun adag oo uu xisbigu ku tirsanaa mudo dheer, kaasi oo ka dhex muuqday tan iyo waqtigii mucaaridka ee uu xisbiga kulmiye Codka dheer ku baadi-goobijiray isbedelka ilaa iyo manta.
Cabdala cali yusuf
Borama, Somaliland
Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye Ee Gobalka Awdal
Moderators: Moderators, Junior Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 41 Replies
- 1750 Views
-
Last post by The Magnificent
-
- 20 Replies
- 991 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 1 Replies
- 625 Views
-
Last post by AsadSL
-
- 1 Replies
- 575 Views
-
Last post by fagash_killer
-
- 0 Replies
- 526 Views
-
Last post by KingWaslawi
-
- 3 Replies
- 612 Views
-
Last post by afisoone
-
- 5 Replies
- 764 Views
-
Last post by cheifaqilbari
-
- 0 Replies
- 466 Views
-
Last post by Ron
-
- 15 Replies
- 1502 Views
-
Last post by Dhaga Bacayl