Kooxo Hubeysan ayaa caawa maqribkii ku dilay degmada Waabari Abwaan Warsame Shire Cawaale oo ka tirsan Kooxda Hobolada Onkod ee Ciidamada Asluubta Soomaaliyed.
Abwaanka ayaa la sheegay in rag bastoolado ku hubeysan ku dileen afaafka hore ee gurigiisa, oo uu fadhiyay meel jardiin ahaa.
Dhaawac soo gaaray Abwaanka ayaa waxaa uu markii dambe ku geeriyooday Isbitaalka Madiina oo loola cararay
Waxaa uu Abwaanka sanadihii u dambeeyay ka tirsanaa Idaacada Kulmiye oo ka mid ah Idaacadaha Muqdisho, isagoo ka qeyb qaadan jiray Barnaamijyada arrimaha bulshada iyo Maada.
Sidoo kale Abwaanka waxaa uu ahaa Majaajiliiste ka qeyb qaadan jiray barnaamijyada Idaacada ka baxa, iyadoo abwaanka la sheegay inuu curiyay suugaan kala duwan.
Marxuumkan ayaa noqonaya shaqsigii labaad ee bahda Fanka ee lagu dilo Muqdisho, iyadoo bishii Ramadaan ay aheyd markii Muqdisho lagu dilay Cabdi Jeylaani Marshaale oo ka mid ahaa majaajiliistayaasha caanka ah.
Sanadkan kaliya ayaa lagu dilay Soomaaliya 18 ka mid ah bahda warbaahinta, iyadoo xalay dhaawac todobaad ka hor ka soo gaaray weerar kooxo hubeysan ku dhaawaceen Maxamed Maxamuud Tuuryare uu u geeriyooday.
Of all other districts , this is the most dangerous with the highest assassination rate.
Just type in google "degmada waaberi",and most of what you get will be "armed group kills someone or robbs something".
Phuck this useless turtle and his yes-man
We need Sh.Sharif back


