

Magalada Garowe xarunta Dowladda Puntland ayaa habeenimadii xalay si wayn loogu soo dhaweeyay wafdi ka socda rugta ganacsiga Jubbaland,waxaana wafdigaasi horkacayay Yaasiin Jaamac Ismaaciil.
Masuuliyiin matalayay rugta ganacsiga Puntland,wasiiro,maamulka gobolka Nugaal,haween iyo dhalinyaro ayaa wafdigaani kaga hortagay duleedka koonfureed ee Garoowe,waxayna aad ugu qanceen qaabka loogu soo dhaweyay caasumadda Puntland,waxana loosoo galbiyay dhanka hotelka Rugsan oo horay loogu sii diyaariyay.
Kullan ay warbaahintu dibad joog ka ahayn ayay wafdigu la yeesheen masuuliyiin dowlada Puntland ka tirsan,waxayna ka wada hadleen horumarka Puntland ka socda iyo sidii khibrad dhinaca ganacsiga looga koror san lahaa deegaanadda Puntland.
Sida uu goor dhawayd wasiirka warfaafinta Puntland Mudane Maxamuud Caydiid Dirir u sheegay Garoweonline ,wafdiga ayaa socdaalkoodu salka ku hayaa booqasho iskugu jirta ,isbarasho iyo wax ka kororsi dhanka ganacsiga iyo mamulka ah,wuxuna Dirir uu sidoo kale sheegay wafdigaani rugta ganacsiga Jubbaland ka socday inay la kulmi doonan madaxda Puntland.
Yaasiin Jaamac Ismaaciil oo dhankiisa la hadlay Garoweonline ayaa sheegay inay ku farax san yihiin imaatinka Puntland,wuxun tilmaamay magalada Gaalkayo in si wayn loogu soo dhaweyay ayna ku amaanayaan shaacab ilaa dowlada qaabka ay iskugu xiran yihiin.
Amaanka iyo kala danbaynta ka jirta Gobaladda Puntland ayuu sheegay inay ka baran doonan,ayna dib ugu celin doonan mamulka dhismihiisu uu ka socdo magalada Kismaayo ee Jubbaland.
Si kastama ah ahaatee Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa si wayn u taageertay mamulka Jubbaland oo waayadan danbe lagu hawlanaa dhismihiisa sida uu mar sii horaysay sheegayna madaxwayne Faroole Dhismaha mamulkaasi inuu yahay mid danwayn ugu jirta shacabka Puntland ,kan Soomaliyeed iyo weliba hirgelinta nidaamka federaalka.