Puntland Delegation Reaches Kismayo, ahead of a larger Delegation that will be headed by the President with key ministers and PMs as well as elders.
Also, Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Gaas oo khadka teleefoonka uga qaybgalay Xaflada Kismaayo, una hambalyeeyey

Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta uhambalyeeyey Shirwaynaha ka socda Kismaayo oo maamulka loogu sameynayo Jubooyinka/Gedo.
Raysal wasaare Gaas ayaa u hmbalyeeyey Shacabka Jubooyinka iyo Dastuurka cusub ee la ansixiyey.
Dr. Gaas wuxuu shacabka iyo Siyaasiyiinta Jubooyinka iyo Gedo ku booriyey iney sii wadaan si wanaagsana u sii wadaan dhameystirka Dowlada Jubaland, wuxuu kaloo raaciyey in howsha ay wadaan ay tahay wax Dastuurku u ogol yahay xaqna u leeyihiin.
Dr Gaas Wuxuu kula dardaarmey Ergooyinka fadhiyey Madasha shirku ka socdo oo uu khadka Teleefoonka kula hadley in aysan cidna wax ka sugan ee ay iyagu isku tashadaan.
Raysal wasaarihii hore ee SoomaaliyaDr.Gaas ayaa ku sugan Mareykanka marka uu maanta khadkaTeleefoonka kula soo hadlay madasha sirku ka socdo.
Puntlandi.com
DHAGEYSO”Cod”: RW hore Sharmaake oo taageray Shirka Kismaayo ee lagu dhisayo maamulka Jubbaland State
Ra’iisul-wasaarihii hore ee Somalia Omar Abdirashid Ali Sharma’arke ayaa dowladda Federaalka ee Somalia ugu baaqay inay taageerto shirka Kismaayo ka socda ee maamulka loogu sameynayo gobollada Jubbooyinka.

Cumar C/rashiid wuxuu sheegay in aysan munaasab ahayn in dowladdu hor-istaagto qorshe ay dhaqaale badan dadka deegaanku ku bixiyeen oo ay ku damacsan yihiin inay maamul gobolladaasi ugu dhisaan, wuxuuna sidoo kale xusay in dastuurka Federaalka Somalia uu dadka deegaankaasi u ogolaanayo inay maamul sameysan karaan.
Cumar C/rashiid wuxuu dhanka kale sheegay in isaga iyo Ra’’isul-wasaaraha Somalia, Abdi Faarax Shirdoon ay ka wadahadleen arrimahan Jubbooyinka, balse ay ku kala aragti duwan yihiin qaabka loo abaarayo maamul-samaynta.
Halkaan hoose ka dhageyso:
http://puntlandi.com/dhageysocod-rw-hor ... and-state/



waad igu riyooto ee ha ii radsaan.