Mese ogtahay inuu ahaa nin aan qabiil maskaxdiisa gelin? Mese ogtahay inta uu dhib usoo maray inuu dadka jahliga ka saaro. Alla yaa raxmu Maxamuud Axmed Cali. Alle agtiis ayuu yaalaa abaal marin aan cidina kaa inkirin ama kaa xaasidin.
2. Mase ogtahay ninkii kale ee aan isna ka dhicin inuu ahaa Xaaji Faarax Oomaar. alle Yaa Raxmu. Ma ogtahay markii uu Ingiriiksu in badan ku hayey xabsi, in la keeney dhakhtarka Hargeysa isagoo indhabeeley oo bestiisa? Mase ogtahay markii la yidhi ashahaado, inay naftu deysey isaga oo leh" My country and my people are two small to be divided"
3. Mase ogtahay Sheekh Bashhir, Alle Yaa Raxmu. Inuu ahaa halyey kale oo ka dhashay reer Sheekh Isaxaag. Mase ogtahay inuu lugaha iska xidhey markii uu dagaalka kula jirey Gumeysiga si uuna uga dhaqaaqin goobta dagaalka? Mase ogtahay inuu abti u ahaa Sayid Maxamed Cabdille Xasan oo uu doonayey inuu halagankii Sayidka halkii kasii wado?
Mase ogtahay sababta aan raggan u sheegey inay tahay anoo maalin dhexdaas ah ka akhriyey golahan qaar inaga mid ah oo legends ku sheegaya rag iska caadiya oo qaarkood ay ahaayeed wasiiro ama civil servants.

