Cabdiweli oo hadal aan laga fileyn ka dhawaajiyay

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

Cabdiweli oo hadal aan laga fileyn ka dhawaajiyay

Post by THE_TRUTH1 »

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Feederaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa ku tilmaamay khilaafaadka siyaasadeed ee hadda dalka ka jira inuu u baahan yahay in lagu xaliyo wada xaajood iyo is qancin.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in khilaafka siyaasadeed ee noocaan ah uu dalka u horseedi karo in aan si wanaagsan loo xaqiijin Hiigsiga 2016, oo la rabo Soomaaliya in ay ka dhacdo doorasho ay ka qayb qataan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

“Dalka Soomaaliya wuxuu soo maray 24-kii sano ee la soo dhaafay colaado, abaaro, qalalaaase siyaasadeed oo u horseeday bur-bur soo gaara haykalkii dowladnimo ee dalka. Anagoo ka tusaale qaadanayna dhibaatooyinkaas na soo maray, waa inaan dhamaanteen u wada istaagno samatabixinta dalka iyo dadka. Waana in aan meel uga soo wada jeedsano sidii aan u ilaalin lahayn ku dhaqanka dastuurka KMG iyo sharuucda kale ee dalka u yaala” ayuu yiri RW Cabdiwali.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkisa sii wata ayaa yiri “ Wax kasta oo khilaaf siyaasadeed ah waxaa haboon in loo maro hab ku dhisan wada xaajood, is qancin iyo u turid dowladnimada curdanka ah ee Soomaaliya.

Mar uu ka hadlayay arrimaha hada socda ayuu sheegay inay saameyn karaan nabad ku soo dabaalida dalka iyo ciribtirka argagaxisada, hirgalinta iyo xaqiijinta nidaamka federaalka. Waxaa sidoo kale mudan in la tixgaliyo lana dhiiri galiyo dadaaladda beesha caalamku ee ku aadan dib u dhiska dalka iyo xaqiijinta hiigsiga 2016-ka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in loo baahan yahay in awooda dhan la isugu geeyo taaba galinta howlaha qorshaysan ee lagu gaarsiinayo dalka doorashooyin xorr ah oo ka dhaca sanada 2016.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa 25-kii bishii la soo dhaafay soo kala dhex galay kala aragti duwanaan xoogan, kadib markii Ra’iisul Wasaaruhu isku shaandheyn ku sameeyay qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada, iyadoo Madaxweynuhuna uu waxba kama jiraan ku tilmaamay isku shaandheyntaas.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ka soo baxay ayaa ku soo beegmaya, iyadoo fadhigii Baarlamaanka ee maanta uu ku dhamaaday buuq iyo sawaxan, kadib markii Mudanayaal ka soo horjeeday mooshinka laga keenay ay is hor-taageen in shirka la furo, si loogu qeybiyo nuqulada mooshinka Xukuumada
THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

Re: Cabdiweli oo hadal aan laga fileyn ka dhawaajiyay

Post by THE_TRUTH1 »

Image
Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkisa sii wata ayaa yiri “ Wax kasta oo khilaaf siyaasadeed ah waxaa haboon in loo maro hab ku dhisan wada xaajood, is qancin iyo u turid dowladnimada curdanka ah ee Soomaaliya.

Mr Prime minister is too late you have decide to Pick fight with ruling party now you want negotiate consolidate is too late your snake and spoiler that can't be trusted :som: :up:


Mr Prime minister go build your own party campaign with your hard work use your money . try to win the election then dictate the Government implement your own vision , as of now you are employee hand picked biting the hands that feeds
you :down:
Sagaashan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2967
Joined: Thu Jan 15, 2009 9:48 am
Location: Xalane, mUGANDAshu

Re: Cabdiweli oo hadal aan laga fileyn ka dhawaajiyay

Post by Sagaashan »

So the prime minister taking the high road and writing a powerful messages to the Somalia people and IC in a critical time is now unexpected, a man entrusted to actually ran the government. While the smiling chubby is preoccupied with stuffing envlopes with hundred bills addressed to indiviual mps under the watchful gaze of an Amisom soldier :russ:
gobdoon
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6005
Joined: Sun May 27, 2001 7:00 pm
Location: LONDON,U,K

Re: Cabdiweli oo hadal aan laga fileyn ka dhawaajiyay

Post by gobdoon »

Si fiican buu u hadlay oo wadanka iyo dadka buu u naxaya , lakiin madaxweynihi ya wax war ah ka haya , mise wax walba xeelad iyo sir buu kusoo koobay , oo shaqadiis ma aha dib u dhaca iyo kala daadsanaanta arintan wadanka u keenayso , oo waxu mashquul ku yahay laluush bixinta kuwa caada qaatada ah oo xildhibanada isku sheegaya.
User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Re: Cabdiweli oo hadal aan laga fileyn ka dhawaajiyay

Post by TheblueNwhite »

Baldy keeps losing! :lol:
User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32786
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Cabdiweli oo hadal aan laga fileyn ka dhawaajiyay

Post by Khalid Ali »

Somalia hasn't seen a Fighting Somali Darood for years since Cabdilahi Yusuf back in 2007, lets see how long he can keep up the Fighting against the Mogadishu foundation.
The`Republic
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4133
Joined: Tue Aug 14, 2007 6:28 pm

Re: Cabdiweli oo hadal aan laga fileyn ka dhawaajiyay

Post by The`Republic »

TheblueNwhite wrote:Baldy keeps losing! :lol:
It's funny because all he's done is win so far. From the beginning.
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”