Tahriibka
Hillaaca galbeedku wuu ku hodee,,
Hungoobe kuwii halkaas tegayoo,,
Habruu u dhaqaa ninkii hebelooo,,
Hadduu han lahaa la heeryee !
Hargeysa Ninkii ka haajir lehee,
Hayaan ugu jira carriga Hollanoooow,,
Illeyn hooyadaa halkaa ma lehee,
Dhulkaaga hadhsoo ka dhigo hodanooo
Hammuun li'i ruug hareeriga !
Hoog iyo ba'ayeeey, Hayaay i ceshaay !
U maan haysaniyo hoheeyda danbiyo,,
Halaanhal hadhow hal kuuma tareee,
Naftaada ha hawlin Hayboooow !!
Haybtiisu ninkay halyeey ka dhigtee,
Adduunka u haysta habar-habarooow
Halkani ma taqaano reer hebel !
Habliii hiyi kece hagoogan jiroo,,
Waxay la hayaan hammiga yuruboo,
Hu' weyn iyo toob haddeer la nacyoo,
La hiif Hobyo iyo nin reer hawdoo,
Hoheey dhaqankii hareer mare!
Kuwii han lahaa raggaa hagradoo,,
Haldoorki idlaa wax hanan jirayoo,,
Halyaygi ma noola haatane,
Hirjiyo Haarjuf baysu soo hadhay !
Caleenta la hiigayaa la hadhoo,
Habsaanyey intuu huluul ku jiroo,
Shaqiyo ma haleeloo heer dhaqo oo ,
Hurduu ku illaaway hawshii !
Raggeedii hal abuur asal ah,
Moderator: Moderators
- KingWaslawi
- SomaliNet Super
- Posts: 5295
- Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
- Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(
- KingWaslawi
- SomaliNet Super
- Posts: 5295
- Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
- Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(
Re: Raggeedii hal abuur asal ah,
Hablaha Somalinet ku guumoobay
Hadduu cishqigani ciyaar kula yahay,,
Igaga culus aniga ciidda dhulkee,,
Sidee u ceshaa cir soo dumay !!
Sidii Cilmi Baan caddibanahayoo,,
Cabsiyo cudur baysu kay celiyee,,
Cakuye iga saar cidhiidhiga !!
Intaan Cumaroow ku caydhsanayaa,,
Filkay cunug iyo caruuro dhaleee,,
Billaahi calayk adna i cugo !!
Cashiiriyo ehel ka caymadayoo,,
Sidii cawshaan cidlada u baxee,,
Cid iyo kaalay ciirsi ii noqo !!
Cimrigi socoy oo waqti cararoo
Cirroobay intaan Cabdoow ku hayee
Ilaah ka cabsoo i ciil bixi !!
Cuntiyo ma haleelo ceeshkiiyoo,,
Sidii cadaygaan u caatoobee,,
I caawi mar uun cabiidyow !!
Ciil iyo murugaan la cawlanahoo,,
Waxaa i caseeyay waa cadhadee,,
Ciyaartayga daa ciyaalyow !!
Allaha Caadilka ah u celi towboo,,
Rasuulka cuddoon cindiga ku qaboo,,
Cadaabta ka yaab cawaanyow !!
Cid kale haw sheegin ceebtaydee,,
Caarkiyo lama feydo cawro gabdhee,,
Na caashaq hadaba cajuusyow !!

Hadduu cishqigani ciyaar kula yahay,,
Igaga culus aniga ciidda dhulkee,,
Sidee u ceshaa cir soo dumay !!
Sidii Cilmi Baan caddibanahayoo,,
Cabsiyo cudur baysu kay celiyee,,
Cakuye iga saar cidhiidhiga !!
Intaan Cumaroow ku caydhsanayaa,,
Filkay cunug iyo caruuro dhaleee,,
Billaahi calayk adna i cugo !!
Cashiiriyo ehel ka caymadayoo,,
Sidii cawshaan cidlada u baxee,,
Cid iyo kaalay ciirsi ii noqo !!
Cimrigi socoy oo waqti cararoo
Cirroobay intaan Cabdoow ku hayee
Ilaah ka cabsoo i ciil bixi !!
Cuntiyo ma haleelo ceeshkiiyoo,,
Sidii cadaygaan u caatoobee,,
I caawi mar uun cabiidyow !!
Ciil iyo murugaan la cawlanahoo,,
Waxaa i caseeyay waa cadhadee,,
Ciyaartayga daa ciyaalyow !!
Allaha Caadilka ah u celi towboo,,
Rasuulka cuddoon cindiga ku qaboo,,
Cadaabta ka yaab cawaanyow !!
Cid kale haw sheegin ceebtaydee,,
Caarkiyo lama feydo cawro gabdhee,,
Na caashaq hadaba cajuusyow !!
- KingWaslawi
- SomaliNet Super
- Posts: 5295
- Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
- Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(
Re: Raggeedii hal abuur asal ah,
I didn't understand half of it laakinKingWaslawi wrote:Hablaha Somalinet ku guumoobay![]()
Hadduu cishqigani ciyaar kula yahay,,
Igaga culus aniga ciidda dhulkee,,
Sidee u ceshaa cir soo dumay !!
Sidii Cilmi Baan caddibanahayoo,,
Cabsiyo cudur baysu kay celiyee,,
Cakuye iga saar cidhiidhiga !!
Intaan Cumaroow ku caydhsanayaa,,
Filkay cunug iyo caruuro dhaleee,,
Billaahi calayk adna i cugo !!
Cashiiriyo ehel ka caymadayoo,,
Sidii cawshaan cidlada u baxee,,
Cid iyo kaalay ciirsi ii noqo !!
Cimrigi socoy oo waqti cararoo
Cirroobay intaan Cabdoow ku hayee
Ilaah ka cabsoo i ciil bixi !!
Cuntiyo ma haleelo ceeshkiiyoo,,
Sidii cadaygaan u caatoobee,,
I caawi mar uun cabiidyow !!
Ciil iyo murugaan la cawlanahoo,,
Waxaa i caseeyay waa cadhadee,,
Ciyaartayga daa ciyaalyow !!
Allaha Caadilka ah u celi towboo,,
Rasuulka cuddoon cindiga ku qaboo,,
Cadaabta ka yaab cawaanyow !!
Cid kale haw sheegin ceebtaydee,,
Caarkiyo lama feydo cawro gabdhee,,
Na caashaq hadaba cajuusyow !!

- KingWaslawi
- SomaliNet Super
- Posts: 5295
- Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
- Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(
Re: Raggeedii hal abuur asal ah,
^^^
Walaal waxa qoray mid Khadar Jinni la dhaho oo aanu sxb nahay.
Walaal waxa qoray mid Khadar Jinni la dhaho oo aanu sxb nahay.
Re: Raggeedii hal abuur asal ah,
Is he a curiyaa mise jacburkuu qoraa?
- KingWaslawi
- SomaliNet Super
- Posts: 5295
- Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
- Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(
Re: Raggeedii hal abuur asal ah,
Labadaba, markuu doonana wuu curiyaa, marna wuu jac-buriyaa, Macasaro adiga wuu isku kaa duugi lahaa uun habeenkii markuu seexanaayo:Macasaro wrote:Is he a curiyaa mise jacburkuu qoraa?
AaAax,
''Idinku daa shee hoyda
Naa adna kaalay i duug''
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 15 Replies
- 1512 Views
-
Last post by King-of-Awdal
-
- 3 Replies
- 326 Views
-
Last post by Conqueror
-
- 0 Replies
- 263 Views
-
Last post by KingWaslawi
-
- 17 Replies
- 788 Views
-
Last post by Sadaam_Mariixmaan
-
- 18 Replies
- 1514 Views
-
Last post by XimanJaale
-
- 23 Replies
- 1554 Views
-
Last post by Twist
-
- 20 Replies
- 1406 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 1 Replies
- 376 Views
-
Last post by qoraxeey
-
- 11 Replies
- 1486 Views
-
Last post by JSL3000