BREAKING NEWS xabashi army from baidoa going to kismaayo

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

BREAKING NEWS xabashi army from baidoa going to kismaayo

Post by Hiiraan boy »

Taliyaashii Guutooyinka Oo Ka Baxay Magaalada Kismaayo, Xageese Aadeen, Halkee Ku Dambeeyay Shirkii Nabadeynta Ee Ka Socday Magaalada Kismaayo Iyo Maxaase Ka Jira Taliyaaasha Ciidamada Xilkii Laga Xayuubiyey
Apr 24,2007
by Kismaayo-GEDO-NN
Shirkii wadohadallada nabadeynta magaalada Kismaayo ayaa goor dhoweyd lagu soo gababeeyey hoteelka Cascaseey, iyadoo dib loogu balamay maalinta berri in dib loo sii wado shirkaasi iyo iyada dib u dhac kale oo ku yimid shirkaasi oo la xiriira taliyaashii guutada 1aad iyo 3aad oo ka baxay magaalada.

Mid ka mid odayaasha shirka abaabushay oo u waramayey in maanta GEDONET markii ay u tageen ay taliyaashaasi ay sheegeen inay u dhaqaaqeen dhanka magaalada Jilib, haatana aysan imaan karin shirkaasi oo ay codsadeen in dib loo dhigo. Wararka laga helo ku dhow dhow saraakiisha guutooyinka 1aad iyo 3aad ayaa sheegaya inay looga yeeray magaalada Muqdisho iyo weliba ay sheegayaan warar laga soo xigtay masuuliyiin ku sugan magaalada Baydhabo in xilkii laga qaaday dhamaan taliyaaashii guutooyinka iyo maamul iyo saraakiil cusub loo soo magacaabayo.

Warar kale oo la isla dhexmarayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in saraakiisha ka baxay magaalada Kismaayo ay sugayaan ciidamo kale oo gurmad ah oo ay ka sugayaan magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho oo ay doonayaan dagaal rogaal celis ku soo qaadaan magaalada Kismaayo, inkasta oo aysan jirin warar madax banaan oo xaqiijinaya arrintaasi.

Si kastaba ahaatee, odayaasha iyo waxgaradka shirkan soo aabuulay ayaa sheegay inay ayagu markastaba ay diyaar u yihiin in la kulmi doonaan masuuliyiintaasi ayna xiriir toos ah ay la leeyihiin masuuliyiin sarsare oo ka tirsan dowladda federaalka, wafuud kale duwan ay ka dhowrayaan magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho.

GEDO-NN-Kismaayo News Desk
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”