sharaf kugu hagoogane
ciidaadu waa hodan
aad ku haqab beesho
waa haleelo dihinoo
hor weyn kuu irmaano
aad ku hiiranaysee
haybad waxaad ku leedahay
dhulkaaga hooyo
waana lama huraane
hagar li wax ugu qabo
hantiyeey macaan
waa midaan hoy
lagaa odhane helayoo
hanfiyo kulayliyo
baraf maleh dhulkeeniyu
inagaa haleynoo
soomaliyeey hoy
hoodaale weeyaan
deegaankiisa hodanka ah
loo wada hamuumee
haybad waxaad ku leedahay
dhulkaaga hooyo
waana lama huraane
hagar li wax ugu qabo
hantiyeey macaan
waa midaan hoy
lagaa odhane helayoo
