Burco (SN)- Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha C/laahi Ismaaciil Ciro ayaa shalay xadhiga ka jaray Xarun Cusub oo ay yeelan doonto Dawlada Hoose ee Degmada Qoryaale oo ka mid ah Degmooyinka Gobalka Togdheer.
Xaruntan Cusub oo noqon doonta tii ugu horeysay ee astaan ahaan laga hirgaliyo Degmada Qoryaale oo 70 KM dhinaca Bari ka xigta Magaalada Burco Dhismahan oo ka kooban 5 Xafiis iyo 2 Musqulood waxa si rasmiya u maalgeliyey Wasaarada Daakhiliga waxaana ku baxday lacag dhan $ 13200 Dollor ( Sadex iyo Toban Kun iyo Laba Boqol oo Dollor) sida uu furitaanka ka sheegay Wasiirka Daakhiliga.
Wasiirka Daakhilaga oo Saaka ka hadlay munaasibadan loo sameeyey furitaanka xarunta oo ka dhacay gudaha Degmada Qoryaale ayaa cadeeyey inay wasaaradu maskaxda ku hayso inay sidn oo kale ay u fulin doonaan Mashaariic lagu dhisayo xarun uu yeelan doono Booliska Degmada Qoryaale waxaana ugu baaqay shacbiga Degmada Qoryaale inay ka qayb qaataan in horumarka laga sameeyo maamul fidinta laga wado Degmada.
Degmada Qoryaale oo ka mida degmooyinka aan lahayn Xuduudaha rasmiya ee ku soo biiray degmooyinka gobalka togdheer muddo shan sano ka hor 5 Five Years, waxay talaabadani soo dhoweyn u muujiyeen maamulka Degmadaasi.
Gudoomiyaha Gobalka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere ayaa isaguna ugu baaqay munaasibadaasi ka sheegay in dhibaatooyinka ugu adage ee soo food saaray ay mid yihiin xarumaha aan dayac tirnayn iyo weliba adeeg aan dhamays tirnayn waxaana ugu baaqay maamulka Degmada inay Dhaqaajiyaan Maamulka loo igmaday.
Geesta kalena Maamulka Degmooyinka Togdheer oo inta badani ay samayn horumar maamul ayaa waxay xaruntani u muuqataa Astaan maamuleed.
Xarun cusub dowladed oo laga Furay degmada Qoryaale...
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super

- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 9 Replies
- 855 Views
-
Last post by CigaalSHiiDaaDCFC
-
- 0 Replies
- 401 Views
-
Last post by HornStar
-
- 0 Replies
- 764 Views
-
Last post by BuuloXubeey
-
- 0 Replies
- 852 Views
-
Last post by kaliil
-
- 2 Replies
- 935 Views
-
Last post by quark
-
- 2 Replies
- 1572 Views
-
Last post by xaliye123
-
- 2 Replies
- 12954 Views
-
Last post by Strategic
-
- 0 Replies
- 923 Views
-
Last post by Tanker
-
- 4 Replies
- 1884 Views
-
Last post by abdisamad3
-
- 1 Replies
- 661 Views
-
Last post by Siciid85