Maslax Maxamed Siyaad Barre iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sacab balaaran kala kulmay baarlamaanka Soomaaliya.
30. januar 2009
APL
Tool
Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu dir Email
Print This Article | Daabaco warkaan
Jabuuti(AllPuntland)- Baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliya ee dhawaan laysku daray ayaa umuuqday maalintii shalay ahayd kuwa sacab xoog leh ku taageeray Barnaamij Siyaasadeed-kii Musharaxiinta utaagan Madaxweyne-nimada dalka Soomaaliya, ayagoo umuuqday raga lugu soo dhaweeyey sacabka kuwa taageero ka heysta baarlamaanka Soomaaliya.
Maslax Maxamed Siyaad Barre iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka mid ahaa ragii lugu soo dhaweeyey sacabkii ugu badnaa ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa umuuqanaya kuwa ugu cad-cad ee ku soo bixi doona Madaxweyne-nimada dalka Soomaaliya.
Maslax Maxamed Siyaad oo ah wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Jen. Maxamed Siyaad Barre, ayaa guluf siyaasadeed xoog leh ka wada Magaalada Jabuuti, wuxuuna doonayaa in uu qabto hogaanka dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in uu khibrad uleeyahay in uu wax ka qabto xaalada dalka Soomaaliya.
Maslax wuxuu ugu baaqay Baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliya guud ahaantiis in ay codkooda ay siiyaan, si loo xasiliyo dalka Soomaaliya, isagoo sidoo kale ugu baaqay Hogaamiyaasha caalamka in ay taageeraan dawladda ka dhalan doonta Magaalada Jabuuti.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isna wuxuu ka mid ahaa xubno ay sacab ku soo dhaweeyeen baarlamaanka Soomaaliya, waxaana Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu ka hadlay waxqabadkiisa hadii loo doorto Madaxweyne-nimada dalka Soomaaliya.
Sheekh Shariif wuxuu sheegay in uusan Siyaasada mudo dheer ku jirin, wuxuuna soo shaac baxay markii Caasumada Soomaaliya ay ku dagaalameen Hogaamiyaashii dagaalka sannadkii 2006-dii, wuxuuna markaasi ka dib noqday Hogaamiyihii Maxkamadihii awoodooda la wiiqay, isagoo hadana ku jooga Masraxa Siyaasadeed ee Soomaaliya gudoomiye-nimada Isbaheysiga dibu xoreynta oo la midowbay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.
Maanta galinka dambe ayaa Hogaamiyaal dhowr ah oo doonaya in ay qabtaan Madaxweyne-nimada Soomaaliya, lafilayaa in ay tagaan Xarunta baarlamaanka Soomaaliya ay ku shirayaan maalmahaan ee Guriga Umada ee dalka Jabuuti, waxa ayna arki doonaan oo ay daawadan doonaan codeynta lugu dooranayo Madaxweynaha Soomaaliya, waxa ayna bilaaban doontaa Codeyntaasi 03:00 Galabnimo ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti.
http://www.allpuntland.com/article/anmv ... a=4366&z=2


