Koonfur Galbeed iyo waxa Raxanweyn wareejinayeen ayuu meelaha la marmarayaa. Why does he keep talking about "Koonfur Galbeed" qashin iyo waxaan loo joogin. Maxa Bay noogu jiro? Berrigii horena as SNF/SRRC Raxanweyn baa faraqa ku wadatay.
Masuuliyiinta dowladda ee ku sugan Degmada Doolow Soomaaliya oo sheegay in ay samaynayaan maamul goboleed ay ku midaysanyihiin gobolada koofureed ee Soomaaliya.
Posted: 2/25/2009 10:22:00 AM
Shabelle: DOOLOW
Masuuliyiin ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ee ku sugan Degmada Doolow oo ay ku jiraan xildhibaano ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in qeybo ka mid ah gobolada koofureed ay ka dhisaan maamul goboleedyo.
Xubno isugu jira xildhibaano ka tirsan Barlamanka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta dowladda ee gobolada Gedo,Jubooyinka iyo Bay oo ku sugan degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa waxaa ay markii ugu horeysay ka hadleen jogitaankooda degmada Doolow iyo kulamo halkasi ay isbuucyadii u dambeeyay ku lahaayeen taasi oo ay ku sheegeen in ay la xariirto sidii ay u sameyn lahaayeen maamul goboleed ay ku mideebayaan gobolada koofureed ee Soomaaliya taasoo aan la garaneyn sida ay u suura gali karto.
Xildhibaan Max’uud Sayid Aadan oo wareysi siiyay idaacada Shabelle isagoo ku sugan Magaalada Doolow Soomaaliya ayaa sheegay in ay wadaan isaga iyo masuuliyiinta kale qorshayaal ay ku doonayaan in ay ku dhisaan maamul goboleedka lagu magacaabo Koofur Galbeed,isagoona sheegay in fikirkaasi ay la qabaan masuuliyiinta maamulada iyo odayaasha dhaqanka golabadaasi,haatan ay rajeynayaan in howshaasi ay meel marto.
Mar wax laga weydiiyay sida ay u soora gali karaan arintaani maadaama goobaha uu sheegay ay inta badan gacanta ku hayaan kooxaha ka soo horjeeda ayuu sheegay in ay ka go’antahay in ay ka meelmariyaan go’aamada ay soo gaareen,waxaana dhinaca kale la wareegitaanka xoogaga muqaawamada uu ku tilmaamay mid sharci daro ah oo aan waafaqsaneyn rabitaanka shacbiga Soomaaliyeed.
Xildhibaanka ayaa waxaa iska fogeeyay warar maalmihii u dambeeyay la isla dhex marayay oo sheegayay in degmada Doolow ay u jogaan sidii ay ciidamada Ethiopia u weydiisanlahaayeen maleeshiyaad Soomaali ah oo dalka Ethiopia lagu soo tababaray,isagoo sheegay in wararkaasi ay yihin kuwa been abuur ah islamarkaana ay haatan u qorsheysneyn in dowladda Ethiopia ay weydiistaan taageero militari.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
Dhageyso wararka 8:00-Subaxnimo maalin walba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.