Addis Ababa, April 21, 2008 (Haatuf) – “Da’daydu waa 35 jir, waxa reerkayagii iigu dambaysay 20-kii Abril, sannadkii 1999-kii, qabiilkaygu waa Isaaq, Habaryoonis, Reer-xuseen, waxaan ku dhashay tuulo u dhexaysa Waraabeeye iyo Burcada-bari, waxa khasab igu qaba Nin Liibiyaan ah oo Kiristaan ah, waxaan u dhalay caruur”, sidaa waxa tidhi gabadh Tahriibtay 10 sannadood ka hor.
“Magacaygu waa Saynab Khadar Samatar, da’daydu waa 35 jir, waxa reerkayaga warkooda iigu dambaysay 20-kii bishii Abril ee sannadkii 1999-kii, qabiilkaygu waa Isaaq, Habar-yoonis, reer Xuseen, waxaan ku dhashay tuulo u dhaxaysa Waraabeeye iyoBurcada-bari. Waxa I qaba oo xoog igu guursaday nin Liibiyaan ah oo Kiristaan ah, wuxuuna igu qabaa meel beer ah oo uu leeyahay, waxaan u dhalay caruur, tan iyo mudadaasna meelna uma dhaafo beertaa dhexdeeda, mana arko qof Somali ah”, sidaa waxay gabadhaasi ku soo qortay warqad kooban, waxayna u soo dhiibtay wiil Soomaali ah oo ay muddo 9 sannadood ah markii u horaysay la kulantay sannadkii 2008-kii, ka dibna waxay warqaddaa koobani soo gaadhay magaalada Adis-ababa, waxaana markii dambe warqaddaa loo dhiibay Xil-dhibaan Duur oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland, oo dhowaan safar ku tegay Adis-ababa si uu ugu gud-biyo ehliyaddii gabadhaa.
http://www.haatuf.net/2008files/312.html
