Qabiil waa laga tego xisbigu waa talo wadaag ASTANTA UDUB

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

Qabiil waa laga tego xisbigu waa talo wadaag ASTANTA UDUB

Post by Bohol iyo karaman »

http://www.udubparty.com/

Barnaamijka Xisbiga UDUB
Xisbiga UDUB oo horseed u ahaa horumarka nabad gelyada iyo guulaha siyaasiga ah wuxuu u soo bandhigayaa dadweynaha barnaamij siyaasadeedkan uuna doonayo inay qayb ka qaataan, bulshada ku dhaqan Gobollada iyo Degmooyinka dalka Somaliland oo dhan.




Barnaamijka Xisbiga UDUB

Hor-dhac:

Halgankii dheeraa ee loo soo maray la soo noqoshada Madaxbanaanida Shacbiga reer
Somaliland, waxay ku soo aroortay baaqii Beelaha Somaliland ka soo baxay bishii May,
1991 ee lagu qabtay Burco (Gobolka Togdheer) ee ay ku cadeeyeen gooni isu-taaga
Jamhuuriyada Somaliland. Waxaanay ku xalaaleeyeen baaqaas ay caalamka u bandhigeen,
aftida distoorka ee 31 May, 2001 qabsoomay ee ay dadkii codeeyay 97% ansixiyeen.

Waxaa lagama maarmaan noqotay sida Dastuurku dhigayo axsaab ku bilaabmaysa ururo u
tartama si nabad gelyo ah oo dimuqraadi ah hogaaminta iyo xilalka dalka.

Xisbiga UDUB oo horseed u ahaa horumarka nabad gelyada iyo guulaha siyaasiga ah
wuxuu u soo bandhigayaa dadweynaha barnaamij siyaasadeedkan uuna doonayo inay qayb
ka qaataan, bulshada ku dhaqan Gobollada iyo Degmooyinka dalka Somaliland oo dhan.
Wuxuuna kulmin doonaa qaybaha kala duwan ee bulshada, sida aqoonyahanka, Guurtida,
Haweenka, Dhalinyaada, Culimaa’udiinka, Ganacsatada, Mujaahidiinta iyo Dadweynaha
guud ahaan miyi iyo magaalaba.

1. Ujeedooyinka Barnaamijka Xisbiga

Ujeedooyinka Xisbiga UDUB uu u soo bandhigayo Bulshaweynta Somaliland wuxuu ku
salaysan yahay Barnaamijkan oo laga soo dheegtay kuna aroora himilooyinka uu
xambaarsan yahay Distoorka Somaliland.

Waa sugitaanka Madax-banaanida Somaliland iyo inay ka mid noqoto Dawladaha
Caalamka.

Bulsho ku dhaqanta habka tallo wadaaga (Democratic) ku wada dhaqan nabad, is
qadarin, isxurmayn, kalsooni oo wada leh xuquuq muwaadinimo oo siman

Bulsho shuruucdeeda iyo xeerkooda ay ku dhisan yihiin dhaqankeeda kana hor
imanayn Diinta Islaamka oo ah lafdhabarta nolosha iyo dhaqanka ee ummada
Somaliland 100% haysata Caqiidada Islaamka

Habka dhaqaale bulsho (Socio-economic) wuxuu ahaanayaa mid ku dhisan
nidaamka lahaanshaha gaar ahaaneed iyo suuqa xorta ah


In Daryeelka caafimaadka bulshada kor loo qaado iyo ka hortaga aafooyinka iyada
oo la adeegsanayo cilmi iyo aqoonta caalamku gaadhay lana gaadhsiinayo bulshada
meel kasta oo ay joogto miyi iyo magaalaba.

Iyada oo la aaminsan yahay in himilooyinkaas lagu gaadhi karo kor u qaadka
aqoonta guud ee Bulshada, dhallaan iyo waayeelba, wuxuu mudnaanta koowaad
siinayaa waxbarashada heerarkeeda kala duwan gaar ahaan tacliinta aasaasiga ah
(Primary Education).



Maadaama ay haweenku yihiin laf dhabarta bulshada Somaliland wuxuu xisbigu
siinayaa mudnaan gaar ah dhinaca ka qayb galka siyaasada,dhaqaalaha iyo
waxbarashada

Si haddaba ujeedooyinkaa looga midho dhaliyo wuxuu Xisbigu qeexayaa siyaasadan hoos
ku qoran:

Siyaasada Gudaha

Isaga oo ka faa’iidaysanaya waayo aragnimadii xukuumadu soo martay sidii ay dhidibada
ugu aasi lahayd nabadgelyada dalka oo loo walaalayn lahaa oo ay wada dhisan lahaayeen
maamul ku dhisan cadaalad iyo sinaan ay wadaagaan dhamaan beelaha kuwa wada nool
Somaliland. Waxaa la dhisayaa nidaamka ah in tuulo, degmo ilaa gobol ay dadweynuhu
maamulkooda gacanta ku hayaan (Decentralization).

Waxa kale, sida Dastuurku qeexayo: xubnaha bulshadu waxa ay yeelan karaan ururo
Bulsho, ururo dhaqaale, arrintaana uu xisbigu siyaasad ahaan meel marinayo, isla
markaana wuxuu xuquuqda distooriga ee muwaadinka Somaliland uu siinayo
warbaahinta.

Caddaaladu waa qodobka bulshada ee aasaaska u ah nabadgelyada iyo wada
noolaanshaheeda. Xisbigu isaga oo ka faa’iidaysanaya waayo aragnimadii la soo maray
iyo qodobada distoorka wuxuu kor u qaadayaa nolosha iyo sharafta garsoorayaasha,
dhawrayaana madax banaanidooda isagoo u hawl galaya kor u qaadista aqoontooda.
Waxa kale oo uu adeegsan doonaa habab kale oo khuseeya kala saaridda muranada ka
dhex dhaca bulshada dhexdeeda nidaamkii Xeer-beegtida ee soo jireenka ahaa iyo
shareecada Islaamka si looga hor tago is afgarad la’aan ka dhex dhacda bulshada iyo
beelaha ay ka kooban tahay.

Waxaa la dhiiri gelin doonaa dhaqanka suuban ee Garsoornimo, iyadoo la
samaynayo Jimciyada sare ee Garsoorka (Bar Association)

Waxaa kor loo qaadayaa hay’adaha nabad gelyada sida Booliiska tababarkooda,
Aqoontooda, Adeegooda iyo Xirfadahooda gaarka ah, lana sugo iskaashiga ka
dhexeeya Dawladaha aynu jaarka nahay hawlaha soo gala sida soo geleetiga,
Maandooriyayaasha iyo dambiilayaasha

Waxa kaloo la tayaynayaa ciidanka Asluubta tababarkooda, Aqoontooda iyo
Xirfadooda Xabsiyada dalka.

Waxa kor loo qaadayaa daryeelka shaqaalaha dawlada, aqoontooda iyo
daryeelkooda, sidoo kale waxa taakulayn loo raadinayaa intii awoodu ogolaato
shaqaalihii reer Somaliland ee hawl gabka ku noqday shaqadii dawladihii hore iyo kuwa
dambe sharcigoodiina la curiyo.



Xisbigu wuxuu barnaamij gaar ah u samaynayaa ururinta hubka dalka ku baahsan
iyo waxyaabaha qarxa, iyadoo kuwa aasan (mines) xoogga la saari doono oo ay noqon
doonaan hanti qaran.

In Waraaqo aqoonsi iyo diiwaan gelin loo sameeyo dhammaan bulshada Somaliland
oo arrintaa loo fuliyo qaab cilmiyaysan.

In laga abuuro gobollada dalka xarumaha Xanaanada Naafada iyo dadka tamarta
daran

In lagu fidiyo maamulka dawliga dalkoo dhan

Tayaynta Golayaasha Deegaanada.

In la abuuro xafiiskii badbaadada shaqaalaha


Siyaasadda Dibadda:

Beesha Caalamka

Waxa ujeedooyinka Xisbiga ka mid ah, kuna shaqeeyay in Jamhuuriyadda
Somaliland tahay dal madax banaan oo ka mid ah beesha caalamka, arrintaasi
fulinteeda waa mid xisbigu u ololaynayo, geed sare iyo geed hoosena u gelayo , sida uu
u kasban lahaa saaxiibo ku gacan siiya ujeedadaasi muqadaska ah, wuxuuna ku
xidhnaan doonaa xidhiidhka lala yeelan doono dalalka kale ee adduunweynaha cidii
arrintaasi nala fulisa.

Mar walbana xidhiidhka lala yeelan doono dalalka dibaddu wuxuu ku xidhnaan
doonaa wixii u dan ah siyaasadda, dhaqaalaha , difaaca iyo sugitaanka qaranimada
Somaliland.

Siyaasadda dibaddu waxay mudnaan siinaysaa dalalka aynu jaarka nahay ee
xuduudi inaga dhaxayso ama ganacsi na dhex maro. Wuxuuna Xisbigu ku dedaalay in
uu ku qanciyo dalalkaasi lagama maar-maarnimada jiritaanka Somaliland ee aan
indhaha laga qabsan Karin iyo ilaa hadda Somaliland nabada, dimuqraadiyada iyo
xasiloonida ay ku soo kordhisay Geeska Afrika iyo Gacanka Cadmeed oo ay noqotay
meel xasilan , isla markaana nabad ah oo loo yimaado ganacsi, maalgelin dhaqaale iyo
tamashlaba (Dalxiis), meel diyaaradaha caalamku ay garoomadeena soo cago dhigtaan,
maraakiibtuna dekedaheena ka gooshaan, Qaxoontigii dagaaladii ku barakacayna ay
ku soo wada noqonayaan dalkoodii iyaga oo ka qaadaya culayskii dalalkii ay magan
gelyada u joogeen. Xisbigu wuxuu ku hawl galay inuu dhidibada u aaso taariikhdaa
dhabta ah ee Somaliland ku soo kordhisay beesha caalamka. Xuduudaha ay la leedahay
dalalka jaarka mid badeed, mid dhuleed iyo cirkaba waa meel uu ka socdo isdhexgal iyo
ganacsi ee ma aha meelo ay ka aloosmaan colaado iyo qalalaase.

Xisbigu wuxuu ixtiraamayaa heshiisyada , kala dambaynta (Protocol), go’aamada
ururada caalamiga ah (UN-KA) , IGAD , (Charter-ka) Midnimada Africa ee aan ka hor


imanayn distoorkeena iyo maslaxadeena gaar ahaaneed, wuxuuna adkaynayaa
(Charter-ka) (AU-da) ee dhigaya in xuduudihii isticmaarku ka tegay ay tahay lama
taabtaan, kaas oo ka markhaati kacaya gooni isu-taaga Somaliland.

Wuxuu xisbigu xidhiidh gaar ah ka raadiyay kana raadin doonaa dalalkii aanu isku
waayo aragnimada nahay dhinaca la soo noqoshada gooni isu-taaga iyo u dagaalanka
xuquuqda qaranimo.

Siyaasadda Dhaqaalaha:

Sida uu Distoorkeenu dhigayo siyaasada dhaqaaluhu waxay ku dhisan tahay suuqa xorta ah
iyo lahaanshaha gaar ahaaneed, taas oo aynu ku dhaqmaynay muddadii ay soo jirtay
Somaliland, kaas oo midhihii ka dhashay la taaban karo: dhinaca Isgaadhsiinta, Gaadiidka
Cirka iyo Dhulkaba, Telefoonada iyo Maraakiibta, Wershadaha oo hadda bilaabmay,
Dhoofinta iyo soo dejinta oo ganacsatadeenu iskood u wadaan iyo maalgelin shisheeye oo
haatan hay’addo badan oo shisheeya ahi bilaabeen ama xiisaynayaan.

Xisbigu wuxuu sii badhitaarayaa tallaabooyinkaa wax ku oolka ah ee lahaanshaha
gaar ahaaneed, isaga oo xoojinaya Rugta Ganacsiga oo u hawl galaya sidii uu ugu xidhi
lahaa dalalka Dibada, ugana mid noqonayaan rugaha caalamka.

Wuxuu hirgelinayaa isaga oo adeegsanaya aqoonyahanada Somaliland iyo
Hay’adaha caalamiga ah, shuruucda iyo xeerarka shirkadaha (Company Laws),
sharciyada Ganacsiga (Business Laws), Sharciyada Maalgelinta (Investment Laws),
Sharciyada Shaqaalaha (Labour Regulations), Sharciyada Baananka (Banking Laws),
sharciyada Caymiska (Insurance Laws) oo suura gelinaya hawlahaas, waxa kale oo la
sameeyay xeerka ka hortaga Ku-takrifalka hantida qaranka iyo la dagaalanka Musuq-
maasuqa, Xeerka Tacriifada Midaynta ee cashuuraha Dawladaha Hoose iyo Xeerka kala
xadaynta ganacsiga.

Waxaa xisbiga hadaf u ah , xil weyna iska saaraa sidii wax looga qaban lahaa
burburka Kaabayaasha dhaqaalaha sida Wadooyinka, Dekedaha, Madaarada ee dalka
gudihiisa iyo kuwa ku xidhma wadamada jaarka ah ee aynu ganacsiga wadaagno.

Xisbigu wuxuu xoogga saaraa casriyaynta ka ganacsiga Xoolaha, isaga oo la
kaashanaya shirkaddo shisheeye oo lagu kalsoon yahay iyo inay ka qayb qaataan
xaqiijinta caafimaadka xoolaha dhoofaya. (b) Waxaa maalgelin looga raadinayaa gudaha
iyo dibadaba, dhisidda kawaanno casri ah si hilibka oo qalan loogu dhoofin lahaa
dalalka dunida oo dhan (c) Wuxuu Xisbigu hirgelinayaa barnaamijyo dadka xoolo
dhaqatada lagu barayo daryeelka xoolahooda (Biyaha, Daaqa, Deegaanka), iyo ka
faa’iidaysiga khayraadka xoolaha (Caanaha) (samaynta Cheese-ka) Hargaha , Lafaha,
Dhiiga, iwm).

Xisbigu wuxuu fulinayaa, Isaga oo ka faa’iidaysanaya daraasadaha la sameeyay iyo
kuwa la samayn doono ee ku wajahan tamarta iyada oo la isticmaalayo dhuxul dhagax
(Coal) si loo badbaadiyo dabar-goynta dhirta ee hadda socota, looguna isticmaali karo,
ka dhalinta korontada, wax karinta, iwm. (b) Sidii horeba xukuumaddu ugu dedaashay
heshiisyo ay la gasho shirkadda khayraadka barri iyo badba, wuxuu xisbigu sii wadi

doonaa dedaalkaasi sidii loo soo saari lahaa khayraadka bad iyo barriba, looguna
samayn lahaa xeerar lagu hago, si loo kobciyo dakhliga Dawladda.

Sidoo kale Xisbigu wuxuu dhiiri gelinayaa kor u qaadida iyo tayaynta hawlaha la
xidhiidha horumarinta farsamada gacanta iyo farsama-yaqaanka

Wuxuu xisbigu u hawl galayaa daba-galka taariikhda duugan ee shacbiga
Somaliland. Taas oo marka la soo ifbixiyo daaha ka qaadi doonta facweynida xadaarada
shacbiga Somaliland caruurteena aynu barno markay yar yar yihiin. Xadaaraddaas
facweyni waxay keeni doontaa in ilmuhu hadda sheegto walaalayn doontana shacbi
weynaha.

In Xisbigu horseedo abuuritaanka matxafyo iyo meelo lagu ururiyo hidaha iyo
taariikhda

Waxaa Xisbigu dhiirigelinayaa hal abuurka cilmiga, farsamada, farshaxanka, qoraal
iyo sawirba oo loo diiwaan gelin doono xafiiska hal abuurka (Patents Office), si loo
ilaaliyo xaqa hal abuurnimo.

Siyaasada Dhaqaaluhu waa inay ku dhisnaataa Fikrad ah in horumarku u sinaado
gobollada oo dhan. Haddaba wuxuu Xisbigu aaminsanyahay in dakhliga dhexe ay si
siman u qaybsadaan degmooyinka dalku. Wuxuu Xisbigu hirgeliyay mashaariic
horumarineed oo ku baahsan gobollada dalka oo dhan, waxaa ka mid ahaa qodista
ceelal dhaadheer iyo fulinta dhismayaal arrimaha bulshada la xidhiidha

Waxaa Xisbigu ku darayaa in maamulada gobolladuna uu lahaado cashuur loo
qoondeeyay , lana dhiso guddiyada horumarinta Gobollada

Sidii uu xisbigu awalba u hirgeliyay siyaasad fiiro u yeelanaysa qaab cashuureed
dadku awoodi karo. Wuxuu Xisbigu fulinayaa tallaabooyin dhisme cashuureed oo dhiiri
gelinaya wax soo saarka dalka gudihiisa iyo wax dhoofinta, ka maaranka baahida
badeecadaha dibada ka yimaada iyo beretan qumman oo lala galo dekedaha hareeraha
inaga xiga ee gobolka ku yaalla

Qaybta Kalluumaysiga iyo Beeraha, Xisbigu wuxuu siinayaa mudnaan weyn si wax
soo saarku u kordho magaalooyinkii xeebaha ee laga guuray in degmooyinkii laga
bixiyay xeebaha la horumariyo. In tababaro la xidhiidha kalluumaysiga iyo milixdaba la
siiyo, in waddooyin laga dhiso meelahaas oo dhinaca dalxiiskana horumar ku samayn
karta. In laga sameeyo xeebaha meelo duur joogta lagu ilaaliyo: Xeebaha oo ah meelaha
kaliya ee duur joogtu ku hadhay lagu ilaalinayo berri-biyood ku noosha in la daryeelo.

In la dhiirigeliyo beerista timirta dadkana la baro beerista oo ku haboon dhulka
xeebta ah ee hadda cidlada ah.

Xisbigu wuxuu hirgelinayaa inuu xoojiyo siyaasada ku aadan kala xadaynta dhul
beereedka iyo daaqsinta, sugitaanka marinada aroorka biyaha iyo baadka lagama
maarmaanka u ah xoolo dhaqatada. Wuxuu Xisbigu samaynayaa qorshe lagaga hortago


nabaad guurka iyo xaalufinta dhirta iyo daaqa iyada oo dhir beeris lagu samayn doono
meelaha lama degaanka noqday ee sii faafaya.

Xisbigu wuxuu u hawl galayaa in dhirta xabkahooda ama midhahooda la
wershadayn karo ee la cuni karo ama dawo ahaan loo isticmaali karo la ilaaliyo, cilmi
baadhisna lagu sameeyo suuqyo loo raadiyo dadkana lagu baraarujiyo ka
faa’iidaysigeeda sida Beeyada, maydiga , Malmalka, Falax-falaxda, murkuda, xabag-
cadaadeedka, kulanka iwm.

In la dhiiri geliyo beeralayda iyada oo gacan laga siinayo dhinaca qalabka dalaga,
bacriminta, midhaha abuurka iyo farsamooyinka carra gadiska. In lagu baahiyo dhulka
iyo deegaanada ay aqoonta falashadu ku yar tahay. In xisbigu u hawl galo sidii looga
beeri lahaa midhaha la quuto banaanka carrada san ee dalka ku yaal.

In Xisbigu ku dedaalo dhismaha biyo xidheeno iyo dhaamam qabta biyaha faraha
badan ee badda gala, loona isticmaalo biyahaas baahinta beeraha. Wuxuu xisbigu
baahinayaa ceelalka dhaadheer ee meelaha miyiga ah ee xoolo dhaqatadu biyo la’aantu
ka haysato. In laga dhiso ceelal waraab oo nadiif ah oo dadka iyo duunyaduba ka
cabbaan meelaha ku haboon

Arrimaha Bulshada:

Xisbiga UDUB wuxuu u horseedayaa siyaasad qeexan oo ku wajahan waxqabashada
Arrimaha Bulshada ee la xidhiidha Waxbarashada, Caafimaadka, Horumarinta iyo kor u
qaadista nolosha dadka Miyi iyo Magaalaba.

In Bulsho weynta la gaadhsiiyo adeeg ku filan dhan walba.

in gacan buuxda laga siiyo sidii ay uga soo kaban lahaayeen burburkii dagaaladii

In kor u qaado garaadka siyaasiga ah ee bulshada si loo helo ummad wadaniyiin ah
ku kalsoon muruqooda iyo maankooda
In la abuuro xirfado shaqo.

In si weyn loo dhiiri geliyo ururada bulshada lana siiyo wixii waayo aragnimo ka
dhiman.


In la kobciyo fanka iyo suugaanta lana koriyo hal abuurka wadaniga ah, lana
sameeyo goobo adeegooda u fududeeya.

Ilaalinta daryeelka iyo xuquuqda muwaadinka (Caruurta, Haweenka, Agoomaha,
Naafada iyo dadka laga tirada badan yahay).

Waxbarashada:

In Xisbigu u hawlgalo dhiirigelinta waxbarashada guud ahaan iyo inuu fuliyo
siyaasad ku wajahan baabiinta Akhris-Qoris la’aanta bulshada dhammaanteed.



In Xisbigu fuliyo waxbaridda dadka waaweyn, baahinta aqoon xirfadeedka ku aroora
ku dhaqashada xoolaha hab cilmiyaysan, beero-falashada casriga ah iyo hanashada
hawlaha farsamo ee warshadaha, dhiska, ganacsiga iyo caafimaadka.
In waxbarashada curruurteena lab iyo dhedigba la dhiirigeliyo gaar ahaan
waxbarashada aasaasiga ah (Primary Education) lana gaadhsiiyo waxbarashada
hablaha saamiga wiilasha ee waxbarashada aasaasiga ah.

In Xisbigu fuliyo barnaamij waxbarasho iyo manhaj wax-ku-ool ah oo ku salaysan
dhaqankeena, diinteena, iyo aqoonteena soo-jireenka ah.

In Xisbigu u horseedo tayo waxbarasho oo dhiirigelisa hal-abuurka iyo isku-
kalsoonida ilmaha iyo qofkaba.

In Xisbigu hirgeliyo sal-u-dhigidda waxbarashada heerka Jaamacadeed iyo xoojinta
dedaalka dadweynaha ee ambaqaaday hawshaas. Baahinta Kulliyadaha ku aroora
xirfadaha lagama-maarmaanka ah iyo kobcinta tirada kulliyadaha waa xil Xisbigu
fulintiisa u heelan yahay.

In Xisbigu u hawlgalo fulinta siyaasad abuuraysa Machadyo aqooneed oo
takhsuusyo kala duwan laga barto.

In Xisbigu u hawlgalo xoojinta waxbarashada tooska ah iyo ta dadbanba si loo kabo
waxbarashada dhallintii kacaantay mudadii dadka reer Somaliland ku jireen halgankii
dib-u-xoraynta dalkooda.

In Xisbigu fuliyo kor-u-qaadista tayada waxbarasho ee malcaamadaha Quraanka iyo
sare u qaadista aqoonta guud ee macalimiinta malcaamadaha. In Xisbigu horseedo in
malcaamadaha manhajkooda, cimiladooda waxbarasho iyo agabka waxbarashada
horumar loogu samayn lahaa.

Wuxuu Xisbigu dhiirigalinayaa machadyada iyo goobaha waxbarasho ee madaxa
banaan, iyada oo mar kasta la hubinaayo manhajkooda iyo tayadooda waxbarasho.

Xisbigu wuxuu ku dedaalayaa samaynta akadamiyada sayniska, fanka, afka
soomaaliga iyo suugaanta.

Xisbigu waxuu diyaarinayaa barnaamaj waxbarasho oo ku wajahan reer miyiga si ay
fursad ugu helaan wakhti waxbarasho iyo wakhti ay xoolaha daryeelaan.

Xisbigu waxuu abuurayaaa waxbarashada farsamada gacanta oo la gaadhsiinayo
heerka ugu sareeya ee farsamo (technical Institutes).


Caafimaadka:

In Xisbigu meelmariyo aragti ku aroorta in la sugo caafimaadka dadka, duunyada ee
dhammaan JSL.

In Xisbigu kobciyo cisbitaalada hadda shaqeeya agabkooda, aqoonta dhakhaatiirta ka
shaqaysa iyo kal-kaaliyayaashaba.

In Xisbigu u hawlgalo la dagaalanka cudurada faafa, sida Cudurka (AIDS)ka, Duumada,
(TB)da, iwm.

In laga tallaalo bulshada dhammaanteed yar iyo weynba, cudurada Faafa.

In fiiro gaar ah la siiyo Xarumaha Ummusha, kor u qaadista adeega umulista, iyo
daryeelka umusha.

In la sameeyo unugyo khaas ah (Special Units) iyo machadyo (Institutions) heegan u
noqda ilaalinta iyo dabargoynta cudurada soo-geleetiga ah ee la socda dadka iyo
badeecadaha ka yimaada dalalka aynu xidhiidh ganacsi la leenahay.

In la abuuro guddi dhakhaatiir ah (Doctor’s Commission) oo lagu xulay aqoontooda iyo
shakhsiyadooda hagaagsan oo ilaaliya gudashada iyo dhawrista dhaqanka
dhakhtarnimo ee haboon (Code of conduct/ ethical standards).

In Xisbigu u horseeday abuurista Machadyo tababar oo la xidhiidha kal-kaaliyayaasha.

In la baahiyo lana joogteeyo barnaamijyo ku aroora wacyi gelinta dadweynaha ee
faya-dhawrka iyo nadaafadda ee qofka, qoyska, hoyga, iyo degaanka intaba.

In uu qaado tallaabadii lagu abuuri lahaa kulliyado caafimaad.

Caruurtu waa xoogga mustaqbalka iyo horumarka bulshada, sidaa darteed,
daryeelka Caafimaad ee caruurta iyo ilaalinta nafaqayntooda, ayaa ah siyaasadaha
caafimaad ee ugu mudan iyada oo kor loo qaadayo ka hortagga iyo daaweynta cudurada
halista ah ee caruurta dila ama naafeeya.

Bulshada Somaliland waxaa tiir dhexaad u ah dadka reer guuraaga ah iyo xoolo
dhaqatada, Xisbigu wuxuu dhisayaa qaab adeeg caafimaad oo u saamaxaysa bulshada
inay si dhib yar ku hesho adeegyada muhiimka ah ee caafimaadka oo dhan.

Adeegyada Caafimaadka gaarka ah (Private Sector) waxay tahay xubin muhiim ah
oo bixiya daryeel caafimaad oo wax ku ool ah, sidaa darteed, Xisbigu wuxuu
dhiirigelinayaa adeegyada caafimaadka gaarka ah, iyadoo kor loo qaadaayo tayadooda,


loona dhiirigelinayo, sida maal-gelin loogu sameeyo wadanka warshadaha lagu
sameeyo dawada.


Diinta iyo Dhaqanka:

Maadaama aynu nahay ummad Muslim ah oo dhaqankeedu ka soo jeedo diinta
suuban, sida distoorkeenu dhigaayo, wuxuu Xisbigu dhiirigelinayaa barashada
Quraanka Kariimka ah, fiqhiga iyo shacaa’irta kale ee Islaamka. Wuxuuna ka hortagayaa
wixii fusuq iyo anshax-xumada iyo xag-jirinimada uu diidayo dhaqanka islaamku, isla
markaana loogu soo gabbanaayo magaca Islaamka oo sumcad xumo u soo jiidaya
diinta xaniifka ah ee Islaamka.

in dalka lagu dhaqo mad-habta shaaficiga

In la soo celiyo haybadii Wasaarada Aw-qaafta iyo qaybaheedii kala duwanaa.

In La sameeyo hay’addo samofal Islaami ah.

Sida uu qabo distoorka qodobkiisa 115-aad in la sameeyo guddida culimada oo ka
kooban 11 xubnood.


Dhalinyarada iyo Ciyaaraha

Dhalinyaradu waa lafdhabarta bulshada, sidaas darteed wuxuu Xisbigu mudnaanta siinayaa
arrimaha ciyaaraha sida dhisida garoomo ciyaareed, abuurista iyo dhiirigelinta naadiyo kala
heer sareeya oo heer qaran, heer gobol iyo heer degmo.



10. Warbaahinta

Xisbigu wuxuu ku hawlanyahay inuu si dhakhso ah u suurageliyo kor-u-qaadida awooda
warbaahin oo la gaadhsiiyo dalka oo dhan iyo dibadaba.



Xuquuqda Aadamaha

Xisbigu wuxuu aaminsan yahay, Damaanad qaadayaana Xuquuqda Aasaasiga ah ee
Muwaadinka, iyadoo la abuuray guddi heer qaran ah oo xuquuqda aasaasiga qof ahaaneed
ilaalinaysa.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Qabiil waa laga tego xisbigu waa talo wadaag ASTANTA UDUB

Post by The_Emperior5 »

udub = ururka dambilayaasha ummada boobay :down:
User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

Re: Qabiil waa laga tego xisbigu waa talo wadaag ASTANTA UDUB

Post by Bohol iyo karaman »

[quote="The_Emperior5"]udub = ururka dambilayaasha ummada boobay :down:[/quote]

group dhanbaa head lagaa dhigay sidaan wad uu hadlay, kaa fiirso waxa afkagaa kaa soo baxay :shock:
User avatar
abdikarim86
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12077
Joined: Sun Sep 14, 2008 7:21 am
Location: Bristol

Re: Qabiil waa laga tego xisbigu waa talo wadaag ASTANTA UDUB

Post by abdikarim86 »

Bohol iyo karaman wrote:
The_Emperior5 wrote:udub = ururka dambilayaasha ummada boobay :down:
group dhanbaa head lagaa dhigay sidaan wad uu hadlay, kaa fiirso waxa afkagaa kaa soo baxay :shock:
he is right dee ...ma been buu sheegay
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”