
Habeenimadi xalay ahayd ayaa waxaa magaaladda Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ka da’ay roob mahiigaan ah,roobkan ayaa waxa uu curtey ka hor salaada cishe saacaduna ku beegnayd 7:00 fiidnimo waxaana uu socdey saacado badan.

Roobkii xalay da’ay ayaa joojiyay isu socodkii dadweynaha iyo gaadiidka, kadib markii roobku kacay waxaa magaalada ku soo rogmaday biyo aad u culus oo kaga Yimid dhanka galbeed

Meherado ganacsi oo ku yaala dhinacyada laamiga ayaa waxaa gudaha u galay biyo daad ah oo soo buux dhaafiyay wadada laamiga ah ee bartamaha magaaladda Qardho, biyihi galay goobahan ganacsiga ayaa sababay khasaare maaliyadeed oo soo food saarta mulkiilayaasha goobahaasi


