Oodweyne June 17, 2010 (Haatuf)-Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna musharaxa Madaxweyne ee Xisbigaasi Mujaahid Axmed Maxamed Maxamud Siilanyo ayaa shalay Gobolka Daadmadheedh xaruntiisa Odweyne si weyn loogu soo dhoweyay, waftigan oo labadii maalmood ee u danbeeyay ku sugnaa magaalda Burco ay shalay uga ambabaxeen magaalada Oodweyne ayaa dadweynaha halkaas ku dhaqani si diiran ugu soo dhaweeyeen, iyada oo loo dhigay Rooga Cas ee soo dhawaynta, islamrkaana Kooxda baamboyda ee ciidanka bilaysku kala qaybqateen soo dhawaynta Muj Axmed Siilaanyo .
Sida uu ku soo waramay wariyaha Haatuf ee gobolka Togdheer Axmed Aadan Yuusuf, Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Maxamuud Maxamuud (Siilaanyo) iyo waftiga uu hogaaminayay magaalada Odweyne ay ku sugayeen,Waxana halka loogu sameeyay Casumaad balaadhan oo xoolo badan oo Geel iyo Adhi isagu jira loogu qalay, iyada oo Axmed Siilaanyo meel suuqa dhexdiisa ah loo Goglay Roog Cas oo u ku dul lugeyay kaas oo la dhigay ilaa Guriga loogu talogalay in uu ku nasto iyo masaafo suuqa dhexdiisa ah. Rogaas oo ah ka Madaarada Madaxada lagaga soo dhoweeyo. Waxa sidoo kale arintaa dhinac socday dhalinyaro badan oo ku labisan dharka hidaha iyo dhaqanka iyo astaamaha Xisbiga KULMIYE, kuwaas oo ku luqaynayay Heeso soo dhowayn ah, iyaga oo markay salka dhigeena loo keenay Hadhuubo Caano Geel ah,
Waxana bulshada halka ku dhaqani ay Xisbiga KULMIYE u mujinayaan dareen gaara maadaama oo Gobolku yahay mid ay had iyo goor Wasiirada Hawlaha guud Siciid Sulub Maaliyada Cawil Cali Ducaale ay xooga saaran ayaa doorkan waxa ay u ekayd in reer Oodweyne muujiyeen jawi ay Wasiiradaas ugu quus goynayaan iyada oo Xildhibaanka Xisbiga KULMIYE Gobolka uga soo baxay ee Xildhibaan Maxamed Yuusuf Wabeyo u todobadadii u danbeyay deegaankaas xooga saaray,
waxana ugu horayn halka ka hadlay Odayaal deeganka ah iyo siyaasiyiin deegankaas ka soo jeeda, kuwaas oo Axmed Siilanyo u muUjiyay kalsooni badan waxana ka mid ahaa Siyaasiga Xisbiga Kulmiye ololaha doorashada gobolada bari u qaabilsan Dr Maxamed Cabdi Gaboose, waxana hadaladiisa ka mid ahaa "Gudoomiye waxa aad ku soo dhowaataa Gobolka Daadmadheedh, oo ah Gobol balaadhan sida aad arkaysana dhamaan inta u xukuma sidan oo kale ayay diyaar ku yihiin waxanse ogahay in aan waqtigu inoo samaxayn Gudoomiye waxa aanu kuu sheegayna in aanay jirayn (Dhab Libaax) danbe ee Shanbadiina kugu dhufanay ee waa taas ee ku soo dhowaw dadku waa KULMIYE"
Gudoomiye Axmed Siilanyo oo wajigiisa ay ka muuqato farxad badani oo taageerayaasha soo dhoweyay halkaa kala la hadlay waxa ka mid ahaa hadalkiisa "waxa aanu reer Oodweyne uga mahad celinayna sida weyn ee walaalnimada ah ee aad noo soo dhowaysen. anaga sida ku cad barnaamijka Xisbiga Insha alla hadaanu talada qabano waxa aanu doonayna in aanu dalka ka sameyno isbedel dhinac walba ah waxanu cadaynaynaa in aanu dalka si cadaalad iyo horumar ku jiro u maamulo, gobolkan waxa ka soo jeeda Rag badan oo u dhintay halgankii dalkan waxanu ka shaqayn doona horumarka dalka iyo walaalaynta iyo isku duubnida dadka reer Somaliland,
gobolkan Odweyne waxa jiray mashaariic badan oo xukuumada maantu sheegtay in ay qabanayso, balse beenoobay waxa ka mid ahaa wadada Burco, Odweyne ilaa Hargaysa isku xidha anagu ka been sheegi mayno ee waxbaanu ka qabanaynaa Gobolkani waxa uu hodon ku yahay Xoolaha nool xoolihiina waa la xidhay anagu xidhan mayno ee qofkasta iyo ganacsade kastaba neefkiisa xor buu u ahaan doona, waxa aan idiin sheegaya UDUB markay fashilantay waxa ay meelaha ka tidhaahada KULMIYE haddu soo baxa shaqalaha ayuu eryaya,.taasi waa been shaqaaluhu waa dad muwadiinin ah cid taban karta ma jirto.hadanu talada qabano la arki maayo ciidan danbe oo bilaa darajo ah waxa aanu doonayna in aad codkiina na siisan idina waxa xaq noogu leedihiin in aanu idiin doono"
waxa kale oo halkaas khudbado ka jeediyay gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha wakiilada C/casiis Samaale Profosor C/salaan Yaasiin iyo xubno kale.
http://haatuf.net/2009files/157312.html
Reer Oodweyne welcomes Sii-laanyo
Moderator: Moderators
- KingWaslawi
- SomaliNet Super
- Posts: 5295
- Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
- Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(
Re: Reer Oodweyne welcomes Sii-laanyo
if your looking for real reliable news about Oodweyne look no further then Oodweynenews.com itself besides those who welcomed him were like 2-3 families of xildhibaan wabeeye lol, Oodweyne is for UCID this elections though. 

- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super
- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: Reer Oodweyne welcomes Sii-laanyo
^^ Here we go again..... Pictures says more then words you know
Red Carpet










Re: Reer Oodweyne welcomes Sii-laanyo
2 families of xildhibaan wabeeye.
it's clear siilaanyo has no strong support in Oodweyne we already witnessed that in the first opening day of the campaign when only 1 family attended.
Oodweyne is for UCID.





- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Reer Oodweyne welcomes Sii-laanyo

Sicid they never did this for faisal nor for Riyaale when he visited the place reer oodweyne


Re: Reer Oodweyne welcomes Sii-laanyo
Emperior, but those people are less then 9 people paid by xildhibaan wabeeye.
pathetic attempt indeed, everybody knows Oodweyne will mostly vote for UCID/UDUB and Oodweynenews never reported such a thing so it's false.

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 26 Replies
- 1999 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 6 Replies
- 1066 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 2 Replies
- 728 Views
-
Last post by AsadSL
-
- 3 Replies
- 410 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 7 Replies
- 954 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 47 Replies
- 2332 Views
-
Last post by malakumod
-
- 24 Replies
- 2070 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 15 Replies
- 1523 Views
-
Last post by theyuusuf143
-
- 0 Replies
- 508 Views
-
Last post by 1moonlight
-
- 4 Replies
- 724 Views
-
Last post by Mondey